”Alla hooyo waxan raacay muxuu ahaa?!” – Sheeko QOSOL badan oo laga sameeyay XISBI Soomaaliyeed!

0

(Hadalsame) 17 Sebt 2019 – Nin baa beri kobtii uu deganaa kufsiga iyo fuulaan qasabka kaga caan baxay, oo haweenkii khaatiyaan ka joogsadeen. Reer tolkii waxay hadba xaal iyo xoolaba ka dhiibaan, oo kolba wuxu soo geysto ee dhib iyo ceeb ah tunka u ritaan, dharaartii danbe go’aan ku gaadhay in aan ninkaas cidi mar danbe xaal iyo xoolo toona ka bixin, cida uu wax ka kufsado hadii uu gacantooda ku baxona loo raacin.

Ninkii baaska ahaa ee laga tashaday wuu maqlay go’aanka ka dhanka ah ee reer tolkii geedka hoostiisa ku gooyeen. Talona wuxu ku gaadhay inu caadadiisii xumayd naftiisa ka jaro oo aanu mar danbe falkaas dib u samaynin.

Wuxu is xakameeyo ee u naftiisa xadhig ku hayo, dharaartii danbe ayuu naftii hayn kari waayay oo wixii xilka lahaa ee uu la qabatimay meeli u hafeefatay. Xoogaa ayuu ka yara fekeray bal hadii uu falkaas sameeyo oo la qabto sida xaal noqon doono. Waxaanu is tusay in iga walla hadii uu sameeyo kufsi danbe, inu naftiisu sahayan doono oo aan laba calina is weydiin doonin hadii qudha laga gooyo, ilayn waa tii odayadiisi dayriyeene.

Bahal caydhin ma daayee, ninkii odayga ahaa wuxu goor casar ah ku soo laabtay gurigiisii, wuxuuna soo xidhay dirac, googarad iyo shalmad; dhabanadana wuxu iska soo marmariyay xabag si uu wejigu isugu dheg dhego oo loo moodo islaan da’ ah oo wejigu coodhcoodhay.

Dabadeedna wuxu u soo dhaqaaqay xaggaas iyo cadceed ka dhaca; raas meel halkeer ah yaalla oo uu ku oggaa rag la’aan inay yihiin xagoodii ayuu soo abbaaray. Qoysku waxay ka kooban yihiin laba gashaantimood iyo hooyadood. Wuxu duleedka kula kulmay hablaha hooyadood, ujeedkiisu muu ahayn islaanta ee hablaha gashaantimaha ah in uu galabta mid beerkaa kaga boodo ayuu u gon lahaa.

Bariido dabadeed, islaantii ayuu isaga oo qof waayeel ah isaga dhigaaya weydiiyay reer in nabar ah ka durugsan oo ku yidhi,”Ilma hebel bartan baa laygu soo tilmaamay ee hooyo xagay ka deggan yihiin?”. Markaasay islaanti ku tiri “guryahaa cascas ee halkaas ka muuqda”. “Ku yeba, arki maayo oo hadaabay cadceedu I weydaarato si fiican wax uma arkee barakooba hooyo ee cid igu dar ama adigu i dhawee”. Islaantiiba ku celisay “ bal waayahay ee yara sug hablahaan mid kugu dariye”. Hablihina liiska xoolaha iyo shaqo fiid cawl joogta ayay ku fooganaayeen. Islaantiiba ku tiri hablihii “Naa bal hooyo islaantan aan waxba indhaha si fiican uga arkayn reer hebel tiina gacan banaan ee aan hawl badan hayney hooyo u gee waa socotee”. Hablihiina way iska diideen oo hawlahoodiibay iska sii wateen.

Islaantiiba talo ku cadaatay oo ka fursan wayday in ay habartan indhaha la’ sii kaxayso. In yar markii ay sii socdeen ee reerihii in nabar ah la xagaas iyo qorrax ka dhaca loo dhaafay, cadceeduna sii libdhayso ayuu islaantii cirkaa intu ka keenay beerka kaga fadhiistay oo islaantii afka maro ka gelyay. Ka dibna wixiisi xilka lahaa ku sameeyay. Subxaanaka yaa cadiib!. Kolkii uu xaajadiisi gutay ee uu nafisayna diraci, googaradii iyo shalmadiiba wuu iskaga dul dhiliyay. Shaw surwaal iyo shaadh buu ka hoos xidhnaayee, taw buu yidhi. Dibna looma arag. Mise islaantiiba sii eegaysa waxa ka dul booday. Yaab badanaa!!

Islaantii oo amakaagsan baa waxay sii luudoba aqalkeedii ku soo laabatay. Intay hablihii soo ag fadhiisatay ayuunbay cawaysinkii ka qabsatay ”ALLA HOOYO WAXAN RAACAY MUXUU AHAA?. Hooyo dee islaantiibaad raacday ee ma geysay reerkii. Islantiiba haddana celisay “Alla hooyo waxan raacay muxuu ahaa?!”. Hablihi wadhaaba ma hayaan ee hadana way ku celiyeen. Islaanta waxbaa ku dhacay oo anfariirbay la yaaban tahay shaw. Waxay kaga dhegtay “Alla hooyo waxan raacay muxuu ahaa?”. Ilayn waa qof weyn oo ma odhan karto wixii aan sii kaxeeyay nin buu ahaa oo wuu i kufsaday ee afkii ayaa juuqda gabay, Islaantina sidiibay ku waalatay oo xiskeedii ku weyday. Alla hooyo waxan raacay muxuu ahaa?!

Kuwii Kulmiye raacay berigii dhowayd ayaa ka dhigan islaantan oo kale oo way amakaagsan yihiin, oo waxay isku yidhaahdaan: “Alla waxaanu raacnay muxuu ahaa”. Kuwii aan raacina waxay ugu jawaabaan Kulmiye ayaad raacdeen.

Waxaa Qoray: Maxamed Cali-ruush

Hadalsame Media