Madaxwayne soo jeediyay in South Africa laga cayriyo ururka Midowga Afrika (Arrin kale oo uu ku dhawaaqay)

0

(Kigali) 16 Sebt 2019 – Madaxwaynaha Rwanda ee Paul Kagame, ayaa soo jeediyay in South Africa laga cayriyo ururka Midowga Afrika, isagoo dhanka kale Afrikaanka ku dhibaataysan Libya dalkiisa ku casuumey.

Wuxuu soo jeediyay in dalkii Nelson Mandela laga eryo madal kasta oo ay iskugu timaaddo qaaradda Afrika. Paul Kagame ayaa aad uga caraysan weerarrada ay dadka madowga ihi ku qaadayaan Afrikaanka kale ee madow ee ka kala yimid dalal ay Somalia ka mid tahay.

“Marka aan maqlo dhiggayga Ramaphoza oo ku andacoonaya in tirada weerarrada dhacay ay 10 yihiin, kuwaasoo uu mid uun ka yahay weerar lagu qaaday ajnabi, waxaan qabaa in aan RSA meel iska dhigno oo laga saaro ururka Midowga Afrika iyo hay’aadka hoos yimaada oo idil, si loo tuso in qarniga 21-aad ay Afrika u midaysan tahay caqabaadka ka taagan dunida,” ayuu yiri Paul Kagame oo la hadlayay saxaafadda Rwanda.

Hadalsame Media