WAA CIIDAN, MAYEE WAA CALEEN! Muuqaalka unugyo ka tirsan Komaandooska Somalia oo tababar ku jira + Sawirro

0

(Ankara) 16 Sebt 2019 – Waxaa halkiisa ka soconaya geeddi socodka uu Turkigu ciidamo tayo iyo tababar ku filan leh ugu diyaarinayo dalka Somalia oo aad ugu baahan ciidan qaran oo hab-raac iyo han qaran leh.

Sawirradani waa Ciidammada Kummaandooska Soomaaliyeed oo u muuqda kuwo aan dhirta laga aqoonin, kuwaasoo loogu tala galay inay kuurka u galaan cadowga kaddibna ay toogasho qorshaysan u gaystaan cadowga iyagoo adeegsanaya qoryaha shiishwanaaggu ku rakiban yahay ee Sharp Shooter-ka loo yaqaanno.

Qoryahan ayaa waxay awood u leeyihiin inay si hubban u toogtaan bartilmaameedka maadaama ay kaashanayaan doorbin soo dhowaynaya bartilmaameedka markaa la beegsanayo.

Waxaa sidoo kale gudaha Somalia ka soconaya tababarro uu bixinayo Turkigu oo ay ciidamadu ku qaataan saldhigga casriga ah ee Jasiira, waxaana mararka qaar dhacda in ciidamo halkaa lagu diyaariyay misna loo qaado Turkiga si loo baro xirfadaha ciidan sida wadista gaadiidka qafilan, dayuuradaha qumaatiga u kaca, kuwa guuxooda ka dheereeya iyo hannaanada kale.

Hadalsame Media