DAAWO: Somalia oo la sheegay inay soo hooysey guul kale oo diblomaasiyadeed!

0

(New York) 16 Sebt 2019 – DF Somalia ayaa ashtako rasmi ah oo ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisey Golaha Amaanka ee QM, iyadoo ku dacwaysey saldhig Ciidan oo ay ka dhiseyso magaalada Xeebta ah ee Berbera, iyadoo cuskaneysa heshiis ay la gashay maamulka Somaliland oo ah maamul sheegta inuu ka go’ay dalka intiisa kale, balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

Ergada joogtada ah ee DF Somalia u fadhisa QM oo halkaa dacwo gaarsiiyay ayaa iminka shaki geliyay sii socoshada howlahaasi, waloow aan weli si rasmi ah loo caddayn karin inuu Imaaraadku gebi ahaanba hakiyay iyo in kale, iyadoo joojin buuxda weli lagaba hadli karin.

”Dhismaha saldhigga Berbera wuxuu meel ka dhac toos ah ku yahay qarannimada, midnimada iyo madax bannaanida geyi ee Somalia, iyadoo sidoo kale jebinaysa cunaqabataynta Somalia,” ayuu yiri Abuukar Daahir Cusmaan Baalle oo ah Danjiraha Somalia ee QM oo Golaha Amaanka waydiiyay micnaha cunaqabaynta Somalia.

Warar hoose ayaa sheegaya in horaantii bishan Sebtembar ayaa si rasmi ah loo joojiyay dhismaha, iyadoo ay halkaa ka dhoofeen shaqaalihii iyo injinneerradii dhisayay 8-dii isla bishan.

Dadka qaar ayaa sidoo kale jiritaanka arrintaa u daliishadey warkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee sheegayay in garoonka Berbera ay rayidku adeegsan doonaan oo ay imanayso shirkad kale oo dhismaha sii wadaysa.

Arrintan ayaa haddii ay rumoowdo waxay DF Somalia u noqonaysaa guul kale oo diblomaasiyadeed oo ay ka gaartey dal kale oo isu arkay inuu caayi karo qarannimada Somalia ee uu deeto la baxsan karo, isagoon ka biqin wax cawaaqib ah.

Imaaraadka ayaa la fahamsan yahay in ujeedkiisu aanu xitaa ahayn inuu hormariyo meelahan loo saxiixay, balse uu doonayo inuu halkaa ka xasiliyo dano uu isagu leeyahay balse aan la jaanqaadi karaynin kuwa xitaa gobollada woqooyi iyo kuwa woqooyi bari Somalia oo uu dekedo kala wareegay balse aanu waxba muuqda weli ka qaban ama u qaban.

Hadalsame Media