FARRIIN: Xeer cusub oo khuseeynaya kaararka lacagta lagu bixiyo oo hirgalay! (Dhegeyso)

0

(Brusells) 16 Sebt 2019 – Laga bilaabo maalintii sabtida bishuna ahayd 14-kii sebteember ayuu si loo adkeeyo ammaanka ka hirgalay dhammaan waddamada EU xeer guud ee la xiriira habka adeegyada kaar ku bixinta lacagaha iyo sidoo kale biilalaka iyo kharashaadka lagu bixiyo internet.

Suurtagal ma noqon doonto wixii ka dambeeyey hirgalka xeerka in kaarka lagu xariiqo dawlaabta ama faliiqa birlabta ee kaarka la mariyo si lacagta loo bixiyo. Mashiinnada iyo bangiyada qaarkood ayay dhici kareeysaa in muddo kala guur ah ay suurtagal ka noqoto, hase yeeshe caadiyan ay khasab noqon doonto in lambarrada – pinkod-ka mar walba la isticmaalo.

Waxaa kaloo aad ku khasbanaan kari doontaa inaad mararka qaarkood afrat lambar isticmaasho xitaa kolka aad kaarka saarto mashiinnada markiiba akhriya ee kharashka lagu bixiyo. Kolka laga hadleyo internet-ka waxaa suurtagal noqon doona oo keliya in kharashaadka lagu bixiyo habab la sugey, sida bank-id ama mashiinnada yar yar ee kaararka akhriya – kortläsare.

Iyadoona goolka xeerkan laga lahaa uu yahay sugidda ammaanka kaararka iyo dhimista khiyaamooyinka kaararka.

Waa sidee haddaba aqoonta xeerkan ey u leeyihiin dukaammadu?

”Wax warbixin oo nalaga siiyay ma jirto. Dhammaan shaqaalaha goobta aan ka wada shaqeeyno ma jirto cid igala hadashay inuu xeer cusub hirgalay,” sida ay sheegtay Alice Damirjian oo ka howlgaleeysay dukaan buugagta ka ganacsada ee ku yaala magaalada Stockholm oo u warrantay laanta wararka Ekot.

Sidoo kale qaar badan oo bulshada ka tirsan ayaan wax war ah ka hayn nidaamkan cusub ee laga bilaabo sabtidii hirgaley, mar ay laanta wararka Ekot mikrafoonka la dhex qaaday bulshada reer Stockholm.

”May, waxba kalama aanan socon, sida ay sheegtay Linnea Björklund oo ka howlgasha dukaan roodhida iyo macmacaanka lagu iibiyo magaalada Stockholm.

Hase yeeshee Bengt Nilervall oo ku xeel dheer nidaamka adeegyada lacag bixinta ee ganacsiga ayaan aaminsanayn in is bedelkani uu caqabad dhalin karo.

”U maleeyn maayo inuu isbedelkani caqabad ku noqdo macaamiisha. Sweden waa waddan aad ugu hor u maray. Waxay ila tahay in aannu diyaar u nahay adeeggan, rajadeeyduna waxay tahay in aannu keeni doonin caqabado ballaaran xaaladda iminka,” sida uu hadalka u dhigay.

Hadalsame Media