Dhaqaalaha Kenya oo la sheegay inuu burburayo haddii… (Somalia oo ay arrin halis ah kala mid tahay)

0

(Hadalsame) 16 Sebt 2019 – Kenya ayaa ka mid ah dalalka halista dhaqaale ka wajahaya cimilada sii xumaanaysa ee saamayn karta dhaqaalaha caalamka, maadaama ay ka mid tahay dalalka badeeco dhoofinta ku tiirsan.

Kenya ayaa ku jirta ilaa 40 dal oo badeeco dhoofinta ku tiirsan oo la sheegay inay baylah u yihiin isbeddelka cimilada, sida ku cad warbixinta QM ee Badeecooyinka iyo Horumarinta ee sanadkan 2019.

Sida warbixinta ku qoran, Kenya ayaa u baylahsanaanta isbedelka cimilada ka joogta 0.5, iyadoo aan wax sidaa usii ridan aan ka sarreeynin Somalia oo joogta 0.7 isla markaana loo calaameeyay dalka ugu baylahsan dalalka ku tiirsan dhoofka badeecooyinka.

Dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya oo ay Kenya iyo Somalia ka mid yihiin ayaa ka buuxa dalalka laga dayriyay liis kale oo ay soo saartay UNCTAD, iyadoo inta hartayna ay yihiin dalal ku yaalla Woqooyiga Ameerika iyo jasiirado ku yaalla Aasiya.

QM ayaa ka dayrisay aayaha degaan ee dalalkan haddii aan la qaadin tillaabooyin deg deg ah oo waxqabad ah, iyadoo Somalia ay fara ba’an ku hayso jarista dhirta oo dhuxul laga shido, qorshe qaran oo aan jirin dalka oo aan nidaam dhexe oo wadareed lahayn dartii.

“Dhaqaalaha dalalka badeeco dhoofinta ku tiirsan sida Kenya dhulka ayuu gelayaa haddaan tillaabo wax ku ool ah la qaadin,” ayuu yiri Xoghayaha Guud e UNCTAD Md Mukhisa Kituyi.

Hadalsame Media