Ma CALI MAHDI ayaa aqoonsi la waydiiyay? (Bal aannu XAGAL kale idinka tusno arrintan)

0

(Hadalsame) 16 Sebt 2019 – Gudbinta war la hubo. Sida ay isku raacsanyihiin culimada saxaafada warka waa in ugu yaraan ay kuu xaqiijiyaan labo il islamarkaana aad raadiso il sadaxaad oo diyaar u ah in cod ama muuqaal laga duubo hadii aad heli karto.

Warka ma ahan in uu kaa noqdo sheeko la iska curiyay oo aan laheyn meel loo tiiriyo.

Waxaan dhageystay war ku saabsan madaxweynihii hore Cali Mahdi oo askar ay jidka u diideen in uu maro. Warkaas sida ka muuqata lama galin juhdi saxaafadeed.

SABAB?!

Waxaa ku badan kalmada ah (waxaa la sheegay) hadii wariyuhu warka hubo waa in uu yiraahdaa waxaa la ii sheegay ama cadeyn kale keenaa.

Cali mahdi magaalada ayuu joogaa waxaana warka ka muuqata in aan lala xiriirin

Dhanka doowlada oo warka lagu eedeynayo iyagana xiriir lala sameeyay warka kuma jirto

Sidaa darteed xitaa hadii warkaagu sax yahay waxaa ka maqan waxyaabaha aas aasiga ah u ah saxaafada ee ah xaqiijinta iyo isku dheeli tirka warka.

Fiiro gaar ah: Ujeedka qoraalkan ma quseeyo cid gaar ah waxaan kaliya kaga danleeyahay baraarujin.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media