Ninka 3-aad ee adduunka ugu taajirsan oo iibsanaya AC Milan

0

(Milano) 15 Sebt 2019 – AC Milan ayaa u muuqata mid markale la iibin doono, waxaana markan xiisaynaya dalladda shirkadaha ee Louis Vuitton Group. Bernard Arnault, oo ah milkiilaha LVMH-Louis Vuitton ayaa la sheegay inuu diyaar la yahay 1 bilyan oo euro oo uu kooxda ugala wareego Elliott Management Corporation.

Waa ayo “Lvmhil-Louis Vuitton” Group?

Waa sharikadda dunida ugu ballaaran ee ka ganacsata waxyaabaha lagu raaxaysto waxayna gacanta ku haysaa ilaa 70 brand. Arnault oo ah bilyaneerka iska leh wuxuu dhowaantan Warren Buffett (ganacsade Maraykan ah) kala baxay kaalinta 3-aad ee ninka dunida ugu taajirsan, isagoo haatan ka dambeeya uun Jeff Bezos (milkiilaha Amazon) iyo Bill Gates (asaasaha Microsoft).

Arnault waa ganacsade Faransiis ah oo haysta adduunyo dhan 94.6 bilyan oo doollar, waana nin jecel farshaxanka iyo fanka qadiimiga ah.

Sida ku qoran Il Messaggero, wuxuu ninkani todobaadyadii tegey bilaabay qorshe uu ku doonayo inuu ku iibsado AC Milan, isagoo diyaar ah dhamaadka fasal-ciyaareedkan (Maajo 2020).

Ninkan ayaa la sheegay inuu doonayo inuu wado mashruuc han sare leh, isagoo kooxda kusoo biirinaya iidhehyo (sponsorships) waawayn, taasoo ay sahlayso inuu gacanta ku hayo ilaa 70 sharikadood oo uu isagu leeyahay, waana mid aad u kordhinaysa dakhliga ay kooxdu u baahan tahay.

[Il Messaggero]

French luxury group LVMH Chairman and Chief Executive Officer Bernard Arnault presents the group’s annual results for 2018 at the LVMH headquarters in Paris, on January 29, 2019. (Photo by ERIC PIERMONT / AFP) (Photo credit should read ERIC PIERMONT/AFP/Getty Images)

Hadalsame Media