Gabdhaha ku jira Komoondooska Ingiriiska oo xamili waayay tababarkii adkaa ee la sameeynayay + Sawirro

0

(London) 15 Sebt 2019 – Gabar ka tirsan Ciidamada Badda Britain ee Royal Marine ayaa la tacaalaysa dhaawacyo halis gelinaya mihnaddeeda, kaddib markii ay xiratey dhar ciidan oo loogu tala galay ragga.

Dharkan guud ahaan ku kacaya £79 milyan oo gini lana yiraahdo Virtus oo uu la socdo agab dagaal ayaa haweenka doonaya inay ka mid noqdaan ciidamada Komaandooska iyo lugta ku haysa dhibaato wayn iyagoo ka sheegta lugaha iyo miskaha, sida ay saynisyahannadu sheegeen.

Qalabkan ayaa waxaa ku xiran boorso dhabareed loogu tala galay inay qaaddo agab dhan 90-liitar iyo jeebab loogu tala galay in lagu qaato rasaasta, dawada iyo dhexda oo lagu xirayo waxyaabo kale, taasoo dhib ku noqotay haweenka oo caadiyan ka misko wayn ragga.

Hablaha qaar ayaa dhaawacyo kala kulmay dharkan Virtus sida Philippa Birch, taasoo iminka dhaawacaa kasoo kabanaysa kaddib markii ay istaagga ka dhacday xilli lagu jirey rucle ka dhacayay Dartmoor.

Waxay xilligaa siddey culays dhan 70 rodol iyo qori, waloow ay markrii dambe dhamaysatay tababarkan adag oo soconaya 32 todobaad.

Hadalsame Media