Ciidamo gudaha u galay xarunta Idaacadda Daljir ee Boosaaso

0

(Boosaaso) 15 Sebt 2019 – Ciidamo kale oo ka amar qaata taliyaha bilayska Puntland Gen. Muxiyadiin Gacamey ayaa caawa galay xarunta Daljir Boosaaso iyagoo handadaad u geystey qaar kamid ah shaqaalaha xarunta Daljir Boosaaso.

Ciidamadan ayaa sheegay in ay amar ka haystaan taliyaha bilayaska Puntland Gen Muxiyadiin ayna doonayaan inay soo xiraan Agaasimaha Guud ee Idaacadda Daljir Axmed Sheekh Maxamed (Tallman).

Shalay ayay ahayd markii ciidamo uu soo diray taliyaha Bilayska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse ay gudaha u soo galeen xarunta Idaacada Daljir ee Garowe xilli shaqomaalmeedka caadiga ahi halkaas ka socdey.

Maamulka Warbaahinta Daljir ayaa cambaareeyey falalka ka baxsan sharciga ee ay ku kacayaan ciidamada bilayska oo loo sameeyey ilaalinta sharciga balse iyagu sharciga ku tumanaya.

“Radio Daljir xaqiiqada tebinteeda kama weecinayso handadaad iyo caga juglayn,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Daljir Md. Axmed Shiikh Maxamed Tallman.

Xigasho: Radio Daljir

Hadalsame Media