DHEGEYSO: Xeerka kireeynta gacanta labaadka oo is bedel lagu sameeyey!

0
modern apartment building exterior - real estate

(Stockholm) 15 Sebt 2019 Laga bilaabo 1-da bisha oktoober ayuu hir geli doonaa xeer wax looga bedeley kireeynta hooyga ee gacanta labaad iyadoo aan ogolaansho laga heeysan shirkadda mulkida u leh guriga, middaasina oo lagu dhumin doono heshiiskii kirada ee shirkadda lala galey iyadoo aan digniin la isa siin, ama falkaasi lagu muteystan karo xabsi.

Qeeybo ka mid ah xeerka kireeynta guriga ee gacanta labaad ayaa la adkeeyey laga bilaabo koowda bisha oktoober 2019. Tusaale ahaan qiimaha kirada, iyadoona cidda guriga ku kireeynaysa gacanta labaad aaney saaran karin in ka badan 15% waa haddii uu guriga qalabeeysan yahay, iyo kharashaadka dheeriga ah, sida xiriirka internet-ka – bredband, waxa loo yaqaanno.

Wuxuu qofku lumin kari doonaa digniin la’aan heshiiskii kireeysashada – kontrakt-igii uu la galay shirkadda mulkida u leh guriga.

Kolka uu qofku gacan labaad ku kireeyo guri isagoo aan ogolaansho u heeysan, isla markaana uu ka qaato kiro aad u sarreeysa ayuu ku dhici karaa xukun ganaax ah ama ugu badnaan xabsi laba sannadood.

Hadalsame Media