Gabadhaa yari waxay sidaa ugu dhibban tahay meel u muuqata Xarunta sheegata inay shacabka metesho!

0

(Muqdisho) 15 Sebt 2019 – Gabadhaa yari Aqalka Baarlamaanka Somalia hortiisa ayay maalin kasta ku lugeysaa iyada oo dacas la’aan ah dhabarkeeda jilicsanna ku sidda caag 20 liitar qaad ah oo biyo ah si reerkeeda ay ugu caawiso.

Madaxda xaruntaa fariisata waxyaabaha ugu horreeya ee loo igmaday waa inay hagaajiyaan nolosha qofka Soomaaliga ah oo ay dejiyaan shuruuc keenaysa inay helaan adeegyo bulsho si ay uga macaashaan miskiintaas iyo malaayiin la mid ah.

IFRAAX waa gabar yar ii 10 sano jir ah oo AGOON ah duruufta ayaana u geysay in ay reerkeeda DUUDKA biyo ugu soo dhaamiso meel gurigeeda ka fog maadaama reerkuuda danyar yahay oo tuubada biyaha aaney gashan karin.

Haddaba, haddii aad si bani’adanimo ah u caawineyso IFRAAX, fadlan ka la xariir Hooyadeed XAAWO MUXUDIIN lambarka 0612010019.

Xigasho: Cabdullahi Maxamed Naanow

Hadalsame Media