Waxaa jirta meel kaba muhiimsan badda ay nagula muransan tahay Kenya? Waa maxay?

0

(Hadalsame) 15 Sebt 2019 – Dowlada iyo shacabka Somalia oo malaayiin doolar ugu deeqa Kenya. Waxaan dareemayo ayaad adna dareemeysaa waxaynu nahay dad aan xisaabtamin oo dabaalo ah, wax fakar ahna naguma jiro.

Shacabka iyo dowlada 75%, waxay isticmaalan maaddada qaadka oo aynu ognahay in qofka maalin waliba isticmaalo ay qasab ku tahay inuu helo ugu yaraan 15$ uu ugu deeqo Kenya. Bal qiyaas waxa naga soo gala ee Canshuurta dowladaineey yihiin wax jeebkeena laga bixiyo.

Lacagta diyaarada Kenya uqaadaysa 1$ lagama canshuuro.
Wiilka, odeyga,gabadhaha iyo inta kale ee suntaasi isticmaasha 90% waxaa dhib ku ah inteey waajibaadka hawlaha horyaala ineey hurdo ugu tagto.
Faahfaahin uguma baahna Qasaaro mooyee inaan faa’iido laga Helin.

Fakarkeeyga waxaan qabaa in badda aynu maalin waliba ka hadleeyno ineey ka qiimo badan tahay lacagta maalaayiinta doolar lagu fakaro baarlamaankana uu sharci kasoo saaro in mamnuuc laga dhigo isticmaalkiisa.

Taasi ma filaayo ineey hirgaleyso waayo?

Dowlada iyo xukuumada 70% waxay cunaan suntaasi dhaqaalaheena dhulka la gashay, sidaasi darteed mooshinkaasi ma soconaayo.
Xubnaha baarlamaanka waxay garanayaan sida xukuumad iyo dowlad mooshin ugu keenaan. Car xukuumada Ra’iisul wasaare Kheyre ha ka doodeen ineey wadanka mamnuuc ka dhigan baarlamaankana hor geeyaan.

Hadii jeebkaaga lagu ogyahay xoogaa dolar ah wadankaaga aad booqasho ku tagto inta ku garanaysa ehel, saaxiib iyo xigtaba waxa uu kaa rabo waa inaad Khaad u iibisaa, hadii aadan sidaa samaynina waxaa tahay Nin qurbaha dhaqankiisa kusoo badalmay. Ogsoonow dadka aad la kulmeyso waxaa ku jira inyar oo ubaahan quutul duruuri.

Qofkastoo ka mid ah dadka qaadka iska dhaafay waa dadka ay maskaxdooda nadiifka tahay isla markaana daganaanta ka muuqato.
Hadii ay dhacdo qof aad u jeceshahay oo aad arrimaahaas inuu joojiyo qaadka kala hadasho wuxuu kuu sheegayaa inuu waqtiga isaga luminaayo, midka aan kaa xishooneyn wuxuu kugu jawaabayaa sidaan kuguma ogeynee goormee sidaan dhan isugu badashay.

Gunaanad. Qof waliba oo qurbaha ku nool ee doonayo inuu dalkiisa ulaabto wuxuu soo laabanayaa isagoo cadaawad badan ay uhayaan ehelkiisa ito saaxiibadii. Waxaynu nahay dad aan fakarin diyaaarad cows-ka xoolaha ku badasha, diyaarad dollar badan oo aan jidadka iyo amaanka ku dhisan kara ugu deeqna dowlada cadaawada nagala dhaxeysa ee Kenya.

Maxaa u Dan ah Somalia?

Waxaa Qoray: Maxamed Cabdulle Xasan

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media