Somalia oo markii ugu horreeysey ciidan u dirtay Eritrea (Sabab?)

0

(Muqdisho) 15 Sebt 2019 – DF Somalia ayaa markii ugu horreeysey ciidan la tababarayo u dirtay dalka Eritrea kuwaasoo tiro ahaan gaaraya llaa 500 oo askari oo ka kooban Boolis, Nabad Sugid iyo Milatari sida nasoo gaartey.

Ciidamadan ayay wararku sheegayaan inay qayb ka yihiin ciidamada la doonayo inay gacanta ku dhigaan amaanka dalka marka ay dalka ka baxdo AMISOM 2021-ka.

Somalia iyo Eritrea markii ugu horreeysey yeeshay xiriir diblomaasiyadeed sanadkii hore, iyadoo Casmara booqday MW Somalia Md Farmaajo, halka uu Muqdisho soo booqday dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki uu Muqdisho booqasho ku yimid bishii Diseembar ee sanadkii hore 2018-kii.

DF Somalia ayaa haatan ku dadaalaysa inay diyaariso ciidan leh hab-raac iyo dishibiliin ciidan oo hanan kara amaanka qaranka Somalia, iyadoo uu dalka Turkigu yahay midka diyaariya ciidamada ugu tayada wanaagsan, waloow ay jiraan ciidamo lagu diyaariyo dalal kale sida Jabuuti, Uganda iwm.

Hadalsame Media