Xulka Somalia oo ka qayb gelaya tartan kale oo caalami ah (Guruubka, jadwalka & xulalka uu wajahayo)

0

(Kampala) 14 Sebt 2019 – Isku Aadka Tartanka Cecafa Challenge Cup ee 20-jirrada wiilasha ayaa la soo saaray iyadoo ay Somalia gashay Group C.

Waxaa la soo saaray jadwalka tartanka Cecafa Under 20- Boy Challenge Cup ee sanadkan ka dhici doona wadanka Uganda, isagoo furmaya 21-ka bishan isla markaana dhamaanaya 5-ta Oktoobar.

Tartankan waxaa ka qeyb galaya 11-dal oo kala duwan kuwaas oo kala ah Uganda, Sudan, Djibuuti, Somali, Eritrea, Kenya, Ethiopia, Zanzibar, Burundi, Tanzania, iyo South Sudan.

Xulka Qaranka soomaaliya ayaa ku jira Group C oo ay ku wehliyaan wadamada kala ah Burundi, South Sudan iyo Xulka Qaranka Soomaaliya, kaliya waxaa laga raba hal xul inuu u soo gudbo wareega xiga tartankan, maadaama ay 3 xul yihiin, halka group-yada kali laga rabo 2-xul.

Wiilasha ocean stars ayaa diyaar garwo xoogan ugu jira tartankan Cecafa Under 20- Boy Challenge Cup iyago tababar adag ku qaadanaya garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa kulankiisa ugu horeya wuxuu la dheeli doona xulka Burundi taariikhda marka ay ku began tahay 25-ka bishan.

Group A: Uganda, Sudan, Eritrea iyo Djibuuti

Group B: Kenya, Ethiopia, Zanzibar iyo Tanzania.

Group C: Somali, Burundi iyo South Sudan.

Si kastaba Tartankan ayaa lagu wada inuu bilaawdo 21-ka bishan xili uu ka qabsoomi doono wadanka Uganda.

Waxaa Diyaariyay: Jamaal Jaamici

Hadalsame Media