Weriye Coldoon oo SHAQO cajiib ah ka qabta Xabsiga Hargaysa!

0

(Hargaysa) 14 Sebt 2019 – Subaxnimadii Axaddii 08/09/2019 saacadu markay ahayd 9:30 ayaanu u jihaysanay xabsiga dhaxe ee Hargaysa si aanu usoo booqanno Cabdimaalik Muuse Coldoon oo maxkamadi ku xukuntay sadex sano iyo badh xadhiga.

Ciidamada Asluubta xabsiga dhaxe markii aanu usheegnay inaanu nahay Wariyayaal usocda Coldoon sifiican ayey noosoo dhaweeyeen, baadhitaan kadib waxaanu fadhiisanay goob loogu talagalay dadka booqashada uyimaada xabsiga.

Waxaanu nahay afar Wariye oo kala ah: Xasan Galaydh, Maslax Sidde, Cabdirisaaq Qaasin Jama iyo aniga oo ah Maxamed Jookar.

Intaasi kadib waxa nagu raagay imaatinka Cabdimaalik, Askari katirsan Ciidanka ayaanu waydiinay waxa habsaamiyey Coldoon. Wuxuu noogu jawaabay “Coldoon xabsiga wuxuu ka dhigaa afka Carabiga, markaa hadda wuxuu ku jiraa Carabigii ee iska suga.”

Cabbaar markii aanu sugnay waxa goobta noogusoo galay Cabdimaalik oo xidhan khamiis madaw, gadh wayna leh. Salaan kal iyo laab ah ayuu nagusoo dhaweeyey.

Dhoola cadayn badan iyo hadallo kaftana kaddib, Cabdimaalik waxaanu waydiinay xaaladiisa. Wuxuu noosheegay inuu fiican yahay xabsigana uu kawado, barashada afka Carabiga. Coldoon wuxuu si wayn nooga waramay halka uu maanta kusugan yahay, inay ku sugnaan doonaan kuwo badan oo kamida Warbaahinta, wuxuu tusaale kusoo qaatay sadexdii sac ee maalinba mid la cunayey.

Fariinta uu nala wadaagay Cabdimaalik ayaa ahayd in ay Warbaahintu gabtay, Maantana uu xabsiga ka dareemayo xaaladda ay ku sugan tahay.

Ugu danbayntiina wuxuu noosheegay inaanu xadhigiisu cadaalad ahayn, xabsigana uu kasoo bixi doono maalin aan maanta ahayn.

W; D: Maxamed Jookar

Hadalsame Media