Rakaabkii ka degi jirey ama ka dhoofi jirey garoomada Somaliland oo hoos u dhacay (Tira-koob)

0

(Hargaysa) 14 Sebt 2019 – Warbixin ka soo baxday Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa lagu sheegay in saddexdii bilood ee ugu horreeyey sannadkan 2019, dadka ka soo degey garoomada diyaaradaha Somaliland tiradoodu ay ahayd 24,693 qof, sida uu soo xigtey Khaalid Foodhaadhi.

Halka sanadkii ka horreeyey ee 2018, saddexdii bilood ee ugu horreeyey tiradu ay ahayd 29,612 ruux. Tirada isticmaalku waxay hoos u dhacday 16.6%.

Dhinaca kale, saddexdii bilood ee sanadkan 2019 ugu horreeyey waxaa ka dhoofay garoomada Somaliland 25,099 qof. Halka sannadkii ka horeeyey ee 2018, saddexdii bilood ee ugu horreeyey tiradu ay ahayd 32,623 qof. Tirada isticmaalku waxay hoos u dhacday 23.1%.

Hadalsame Media