DAAWO: Sucuudiga oo laga GUBEY wershadda adduunka ugu wayn ee saliidda sifaysa & Maraykanka oo…. + Sawirro

0
Qaac iyo holac ka baxaya wershadda Aramco ee ku taalla Abqaiq, Saudi Arabia, Sebtembar 14, 2019

(Abqaiq) 14 Sebt 2019 – Weerar daroon oo lagu qaaday ceelal saliideed oo uu Sucuudigu leeyahay ayaa waxaa sheegatay kooxda Xuutiyiinta Yaman, taasoo soo dedejisey inuu Maraykanku ku hanjabo inuu weerarayo Iiraan.

Washington ayaa eedeeynaysa Tehraan, iyadoo uu senatarka dagaalka jecel ee Lindsey Graham, ku baaqay in la duqeey dalka Iiraan.

Waxaa la arkayay qaac iyo holac ka butaacaya wershadda ugu wayn caalamka ee lagu sifeeyo saliidda oo ay leedahay shirkadda dowladeed ee saliidda Sucuudiga ee Aramco, waloow ay Xuutiyiinta oo ay Sucuudigu weerar ku hayaan sheegteenna, waxay Washington markiiba eed kala dul dhacday Iiraan.

Wasiir Dibadeedka Maraykanka ee Mike Pompeo ayaa Tehraan ku dhaliilay wax uu ugu yeerey “weerar aan noociisa horay loo arag oo lagu qaaday halka ay kasoo baxdo saanadda tamareed ee caalamku” balse kama hadal inay qaadayaan wax weerar ah oo rogaal celin ah.

Yeelkeede, Graham isagu laba jeer kama fikirin inuu arrintan la tago barta Twitter-ka oo uu afka ku ciil boxo, isagoo ku baaqay weerar aarsi ah.

Smoke is seen following a fire at an Aramco factory in Abqaiq, Saudi Arabia, September 14, 2019 in this picture obtained from social media. VIDEOS OBTAINED BY REUTERS/via REUTERS ATTENTION EDITORS – THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. MANDATORY CREDIT. NO RESALES. NO ARCHIVES. – RC1D60EBB8F0

Hadalsame Media