XOG: Kenya oo aan Tanzania qabsan karin haddii ay Somalia ka guulaysato (Sabab?)

0

(Nairobi) 14 Sebt 2019 – Dowladda Kenya ayaa caddaysatay inay raadinayso xal xeer jajab ah oo ka banaanka ah Maxkamadda ICJ, si ay ugu yaraan qayb uga hesho dhul-badeedka Somalia ee saliidda hodanka ku ah kaddib markii 2 bilood dib loo dhigay dacwadda oo 9-kii bishan furmi lahayd.

“Arrintani caddaan iyo madow ma aha,” ayay tiri Wasiir Dibadeedka Kenya ee Monica Juma oo Jimcihii ka hadlaysay Nairobi. “Xal waara waa inuu noqdaa mid wadareed. Waxaan door bidaynaa xeer jajab laga xaajoodey.” ayay daba dhigtay.

Sarkaal sare oo ka tirsan DF Somalia oo aynaan magaciisa sheegaynin ayaa Hadalsame Media u sheegay in Kenya ay beri dhowayd aad iskugu dayday inay la fariisato Madaxwaynaha Somalia Md Farmaajo xilligii uu ka qayb gelayay shirkii ka dhacay Yokohama, Japan.

”Madaxwaynaha Somalia wuu ka cudur daartay arrintaasi, kaddib markii ay codsigaa hor dhigtay Md Farmaajo xilli ay kula kulantay hoolkii shirka.” ayuu yiri sarkaalaasi oo sidoo kale meesha ka saaray inay marnaba Somalia aqbali doonto wax xeer jajab ah.

Waxaan sarkaalkaa waydiinney sababta ay Kenya ugu dheggan tahay inay Somalia xeer jajab gasho, haddii ay Somalia ka guulaysato miyaanay iyaduba jiitinta (aquadistance) u raaci karin dhanka koonfureed ee Tanzania?

”Maya, waayo Kenya mar hore ayay xeer jajab la gashay Tanzania, iyadoo weliba xilligaa moodaysay inay sad dheeraad ah ka qaadatay Tanzania, balse iyadaa ku dhacan, mana dacwoon karto oo heshiis ayay saxiixday.” ayuu Hadalsame u sheegay sarkaalku.

Kenya oo haddii laga guulaysto bad-xiran oo kale noqonaysa, ayaa Somalia ku sheeganaysa dhul badeed dhan 150,000 oo KM oo jibbaan (57,915 mayl oo jibbaaran), iyadoo ay Somalia 2014 maxkamadda ICJ ka dacwaysey Kenya si meesha looga saaro heshiis is faham ahaa oo ay Kenya ka saxiixatay madaxdii DKMG ahayd ee xilligaas 2009-kii, si loo raaco diilinta loolka ujeeda dhanka bari, taasoo ay Somalia ku waayayso dhul badeed ku fadhiya 450 nautical miles, sida uu qorayo Bloomberg.

Hadalsame Media

Facebook Comments