Soomaalida lagu dilayo magaalada London oo sii badanaysa (Wiil xalay la diley)

0

(London) 13 Sebt 2019 – Wiil 24 jir oo Soomaali ah ayaa xalay lagu dilay xaafada Camden ee waqooyiga magaalada London ee caasimadda UK, sida uu noo sheegay weriye Maxamed Dhoorre oo soo xigtey warbaahinta Ingiriiska.

Wiilkan ayaa noqonaya qofkii tobnaad ee Soomaali ah kaas oo London lagu dilo sanadkan 2019 oo qura, taasoo ah tiro aad u badan marka Soomaalida loo istaajiyo hal bulsho ahaan ee deeto loo eego tirada guud ee la diley loona qaybiyo tirada dadka ku nool magaaladaasi.

Guud ahaan dadka toorreeyda lagu dilay magaalada London sanadkan ayaa tiradooda waxa ay gaareysa 101 qofood kuwaas oo u badan wiilal dhallinyaro ah.

Hadalsame Media