DAAWO: Arag sida ay u kala fog yihiin labada RA’YI ee Axmed Madoobe & Tony Blair?!

0

(Hadalsame) 13 Sebt 2019 – Waxaa shalay isagoo xanaaqsan shir jaraa’id qabtay Axmed Madoobe oo sheegtay inuu ku guulaystey doorashadii Jubbaland, taasoo ay DF Somalia ku tilmaantay mid burtey oo aan waxba ka jirin, iyadoo aan wax soo dhowayn ah ka helin dalalka jaalka la ah Somalia.

Axmed Madoobe ayaa inuu xilka oo uu horay 8 sano u hayay inuu sii hayo u cuskaday inuu dagaal ku qabsaday xilka isagoo sheegay inuu ”mayd sitey markii uu imanayay”, dad badan ayaana aragtidaa ku misaaley middii hoggaamiye kooxeedyadii soo maray dalka oo saamaynta siyaasadeed ku raadin jirey qoriga caaraddiisa, balse markii dambe iska tegey iyagoo fashilan oo bah’dilan, waloow aanay weli dalka ka wada dhamaanin siyaasadoodii ma dhalayska ahayd.

MEESHA UU AADAN KA HADLAYO BARBAR DHIG MIDDA TONY BLAIR!

Blair oo horay RW uga noqday Britain ayaa isagoo dhaliilsan siyaasadda dalkiisa ee ku aaddan inay iskaga baxaan Midowga Yurub sheegay inay sanadaha yar ee soo aaddan ay dunidu yeelanayso 3 awoodood oo waawayn kuwaasoo kala ah; Maraykanka, Shiinaha iyo sida dhici karta Hindiya.

”Hadii aysan dalalka yari isu tegin waxaa ku fariisanaya kuwa waawayn” – Tony Blair oo tilmaamay in marka ay dalalka miisaanka dhexe ay wada samaystaan hal urur sida Midowga Yurub ay kaliya u babac dhigi karaan ama miis la fariisan karaan dalalkaa waawayn, haddii kale aanay Britain wax saamayn iyo awood yeelan doonin haddii ka baxdo Midowga Yurub, isagoo su’aal geliyay caqliga ay ku dhisan tahay in laga boxo EU.

Qiyaas haddaba, haddii Britain oo nukliyeer haysata, wershado leh oo wax uun soo saari karta, luuqadeeda dunida oo idil lagaga hadlo, dunida barkeed soo xukuntay, dadkeeduna ay 70milyan ku dhow yihiin ay sidaa u cabsanayso oo ay isbahaysi u raadinayso, qofka raba inuu Somalia – oo lagu qiyaaso ilaa 13milyan – degmo degmo doodaya u kala jarjaro, isla markaana doodo horay loogu soo daaley iyo xabad garaac been ah umadda waqti badan looga lumiyo, si dan shakhsi ah oo aan la joogtayn karin loo xasiliyo? Waxay kala yihiin nin la socda waxa dunida ka socda oo cashar falsafadeed bixinaya.

Halka nin cid kale oo uu iska jiro iyo mustaqbal umadeed oo uu sii odoroso ha joogtee, aan xitaa doonayn inuu ku yara fikiro sida la isu waafajin karo dantiisa kursiga ku aaddan iyo danta dalka isaga riixaya ee Kenya uu ka leeyahay Somalia oo aan ahayn laba DANOOD oo marba isla jaanqaadi kara.

Bal adigu kaligaa ka fikir farqiga u dhexeeya doodda Aadan Madoobe iyo midda Blair, imisa sanad ilays ayaa wacyigooda u dhexeeysa?

Tifaftiraha

Hadalsame Media