3 qoddob oo muujinaya in Odawaa looga adkaan karo madaxtinimada GALMUDUG

0

(Hadalsame) 13 Sebt 2019 – Loollanka doorashada madaxtinimadda Galmudug ayaa si xowli ah ku bilaawday, iyadoo durba lasii calaameeyay labadda musharax ee noqon kara kuwa ugu cadcad.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo loo arko inuu garab ka helaayo Dowladda Federaalka ah iyo Cabdiraxmaan Odawaa oo ah gacanta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu dhexyaala hardanka ugu adag.

Dadka qaar ayaa durba bilaabay iney hoos u dhigaan rajadda uu musharax Odawaa ka qabo inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha Galmudug, waxeyna sabab u dhigayaan saddexdaan qoddob.

1 – Farqiga beelaha iyo xildhibaannada Federaalka.

Galmudug waxaa degan oo xildhibaanada loo qeybiyaa 11 beelood. Marka la joogo Galmudug waxaa caadi ah in xildhibaanada Federaalku ay saameyn xoogan ku lee yihiin soo xulista xildhibaanada Galmudug.

Xafladii uu Cabdiraxmaan Odawaa kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa waxaa joogay xildhibaanada 3 ka mid ah 11-ka beelood ee degan Galmudug, halka uu musharax Qoor Qoor soo bandhigay xildhibaanadda 11-kaas beelood ku matala Dowladda Dhexe. Tani waxey muujisay in Odawaa uusan heysan taageerada inta badan beelaha Galmudug.

Xildhibaanada Dowladda dhexe ku matala Galmudug ayaa inta badan xusul-duub ugu jira iney soo saaraan qof ay wataan si 2020 ay ugu soo laabtaan Baarlaamanka Federaalka ah.

Dadka aadka u faaqida arrimaha Galmudug waxey sheegayaan in musharax Odawaa uu aruursaday xildhibaanadii caanka ka ahaa Facebook halka uu musharax Qoor Qoor aruursaday xildhibaanadii go’aaminayay kuraasta qabiiladooda.

2 – Khilaaf ka cararka reer Galmudug

Dadka reer Galmudug ayaan 4 sanno helin adeeg maamul. Waxey sanadihii dambe daawanayeen khilaafka Villa Somalia iyo Galmudug. Waxey aaminsanyihiin iney halkaas wax badan oo horumar ah ku seegeen, sidaa darteed waxaa u muuqata in aaney hada xiiso u qabin hogaamiye khilaaf abuur ah.

Qodobkaan wuxuu si weyn u saameynaya musharax Odawaa oo dhowaan si dadban u iclaamiyay inuu la dagaalami doono Dowladda Federaalka ah, hadii la doorto.

3 – Cadaawadda loo qabo Damuljadiid

Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dagaalo ku qaaday Guriceel iyo Dhuusamareeb sanadkii 2015, halkaas oo ay dad-badan ku dhinteen. Weli cidna magdhow iyo raali gelin kama bixin arrintaas. Odawaa wuxuu xiligaas ahaa wasiirkii arrimaha Gudaha iyo qofkii u xil saarnaa arrimaha gobaladda Dhexe.

Waxaa la fahamsanyahay in weli colaad badan loo qabo kooxda uu ka tirsanyahay musharax Odawaa. Sidoo kale wuxuu horey meel fagaaro ah uga weeraray kooxda Ahlu Sunna oo deegaankaas ku xoogan waana arrin kale oo saameynteeda leh.

Si kastaba waxaan weli la go’aamin xiliga ay dhici doonto doorashada madaxweynaha Galmudug, waxaana weli socda shirkii Dib-uheshiisiinta beelaha Galmudug.

W/Q: Maxamed Cabdullaahi Sabriye 

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media