Bilyaneer 3 bilood la la’aa oo maydkiisa laga helay bullaacad & bilcaantiisa oo ay fari ku godan tahay!

0

(Nairobi) 13 Sebt 2019 – 5 TV: Booliiska Kenya ayaa helay meydka nin u dhashay Holland Tob Cohen, oo la la’aa ilaa saddex bilood.

Meydkiisa waxaa laga dhex helay taangi wasakhda lagu kaydiyo oo yaalla gurigiisa oo ku yaala xaafada Kitisuru- Nairobi, galinkii dambe ee maanta.

Sida laga soo xigtay madaxa dambi baarista George Kinoti ayaa sheegay in baaritaanno xoogan oo ay sameeyeen ay ugu dambeyn heleen meydka Cohen.

Bilyaneerka reer Holland Cohen, waxa uu ahaa 71 sano jir, ka shaqeeya arrimaha safarka iyo dalxiiska, muddo 30 sano ayuu ku noolaa Nairobi, waxa uu ahaa ganacsade aad looga yaqaanno dalkan.

Waxaa jirey muran isaga iyo xaaskiisa Wairimu Kamotho u dhexeeyay, taa oo keentay in maxkamadda ay geysay qoraal ay furriin ku dalbaneyso.

Kamotho oo dhowr jeer la wareystay, waxa ay sheegtay in Cohen uu u sheegay in safar caafimaad uu ugu baxayo dalka Thailand, waxii intaasi ka dambeeyayna aysan arkin. Komotho waxaa lagu hayaa xabsi ku yaala Nairobi si maxkamad ay u marto.

Waxaa Diyaariyay: Fu’aad Cabdi Maxamed

Hadalsame Media

Facebook Comments