FURAHA GUUSHU WAA SAMIRKA! Akhri labadan sheeko

0

(Hadalsame) 13 Sebt 2019 – Taabiciga Curwa Binu Subayr ayaa waxaa laga jaray lugta xanuun ku dhacay dartiis isla maalintii laga jaray ayay caruurtiisu dhinteen ka dib markii uu Faras haraatiyay. Waxaana uu yiri “ Allahayow adigaa mahad leh, Adiga ayaa jira adiga ayaana xagaaga loo soo noqonaya waxaad I siisay wiilal waana aad iga qaaday, waxaad I siisay afar waaxood waxaadna iga qaaday mid, waxaan kaa baryaya inaad Jannada nagu kulmiso.

Maalin kale waxa soo galay Majliska Curwa Binu Subayr oday da’ ah oo indha beelay, waxaana lagu yiri Curwa dhegayso odaygan warkiisa? Odayga ayaa ku yiri “ Waxaan deganayn meel doox ah, habeenimo ayaa daad soo rogmaday wuu qaaday xoolahaygii iyo ubadkaygii, waxa keliya ee iiga haray wuxuu ahaa wiil iyo Awr, awrkii wuu iga baxsaday wiilkiina waxaa iga cunay dhurwaa ama Waraabe.

Taabiciga Curwa Binu Subayr ayaa ku yiri “Markaa Maxaad tiri ?” Waxaan iri “Waxaa mahad leh Allaha i siiyay qalbi iiman ka buuxo iyo carab mahad naqaya “? Waa kuwaasi dadkii dhibaatooyinka adag ku sabray.

Waxaa Diyaariyay: Cabdullaahi Nuur Colombo

Hadalsame Media