”Neefta ayay nagu dhejiyeen!” – Dani Ceballos oo qiray inuu la yaaban yahay wixii uu kusoo arkay Anfield

0

(London) 13 Sebt 2019 – Laacibka kasoo amaahan kooxda Real Madrid ee haatan u safta kooxda Arsenal ee Dani Ceballos ayaa amaan kala dul dhacay kooxda Liverpool.

“Abidkeey horay uma arag wixii aan kusoo arkay Anfield. Abid ma arag koox sidaa ka fiican u ciyaaraysa, wax u cadaadinaysa sida iyaga.” ayuu qiray Ceballos.

“Marka la eego sida ay taageerayaashoodu kooxda u sidaan, waxay kaa nuugaysaa neefta.” ayuu raaciyay isagoo la yaabban taageerayaasha ma daalayaasha ah ee Reds oo dunida uga tilmaaman ma muustayaasha 1-aad.

Liverpool ayaa ku tumatay kooxda Gunners oo uu u safto laacibkan reer Spain, markii ay bishii tagtay ku booqdeen gegada Anfield.

Hadalsame Media