Maxaa ka dhexeeya Hobyót-ka Yaman & Hobyada Somalia?

0

(Hadalsame) 13 Sebt 2019 – Waxaa jira dad aad u tiro yar oo ku kala nool dalalka Yeman iyo Cumaan gaar ahaan xudduudka labada dal ayay dadkaasi ku nool yihiin. Dadkaasi waxa ay ku hadlaan AF la yiraahdo Hobyót oo culimada ay afafku sheegeen in afka Hobyot uu ku dhow yahay in uu dabargo’o. Sidoo kale dadka Hobyot-ka ku hadlayaa waxa ay muuqaal ahaan u egyihiin dadyowga geeska Afrika ku nool.

Waxaan iswaydiiyay waxa ka dhexeeya magaca magaalada Hobyo iyo afkaas? (Hobyót). Sida aan ognahay si cad looma oga macnaha iyo meesha uu ka yimid magaca Hobyo. Dadka qaarkood waxa sheegaan in Hobyo markii hore ahaa HOO BIYO, maadaama aagga magaaladu ku taallo biyuhu wax labo mitir aan ka badnayn ciidda ka hooseeyaan oo ay fududdahay in qofku inta dhulka faago uu biyo macaan ka dhaansado.

Qoraaladda qaar sida buugga The Shaping of Somali Society: Reconstructing the History of a Pastoral People, 1600-1900, ee uu qoray Lee Cassanelli waxay weriyaan in Hobyo ay Saldanaddii Ajuuraanku aasaastay qarnigii 13aad.

Waxayse u badan tahay in Hobyo ka horreysay qarnigii 13aad ayna ku jirtay magaalooyinkii xeebta Soomaaliyeed taxnaa ee lagu sheegay qoraalladii Masaarida, Roomankii, Giriiggii iyo Shiinaha. Waxaa dhici karta in magaalooyinkaas mid ka mid ahi ay aagga Hobyo ku taal ku duugantay oo haddii la qodo laga heli karo raadadkeedi.

Haddaba ma dhici kartaa in Hobyo iyo Hobyot ay xiriir leh yihiin? Ma dhici kartaa in dadka afkaas ku hadla ay reer Hobyaad ahaayeen?

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media