Turkiga oo sameeyay daroon RAXAN RAXAN ah oo hal mar rushayn kara GUUTO ciidan ah + Sawirro

0

(Ankara) 12 Sebt 2019 – 30 xabbo oo lagu magacaabo KARGU (Autonomous Tactical Multi-Rotor Attack UAV) oo ay Turkigu dhiseen gaar ahaan hay’ad hoos tagta Wasaaradda Gaashaandhigga (STM), iyagoo 2020 ku biiraya howlaha xasaasiga ah ee ay Ciidamada Turkigu ka wadaan xadka Suuriya.

Daroonnada KARGU, ayaa ah mid leh muuqaallo cusub sida inay si wax ku ool ah wax u bartilmaameedsadaan, iyadoo sidoo kale qaadi karta rasaas iyo gantaalo intii hore ka badan iyo shiish saxan. Daroonnadan ayaa awood u leh inay burburiyaan guuto dhan iyo maraakiibta dagaalka.

Maareeyaha Guud ee Murat Ikinci ayaa sheegay in waloow ay daroonadii hore loo sameeyay ay kordhiyeen awoodda Ciidamada Xoogga Turkiga, balse KARGU uu ka sarreeyo daroonnadii hore, sida ku qoran Hürriyet.

Ikinci ayaa sheegay in waloow uu daroon kasta shaqo gaar ah misna haddii mid lasoo rido ama uu cilladoobo ay kuwa kale ee KARGU-uuyada ihi ay awood u leeyihiin inay shaqadiisii qabtaan.

Hadalsame Media