Boggii Facebook ee Benjamin Netanyahu oo loo xirey Carab nacayb dartii

0

(Tel Aviv) 12 Sebt 2019 – Maamulka Facebook ayaa xannibay boggii rasmiga ahaa ee Benjamin Netanyahu kaddib markii lasoo dhigay farriin u dhignayd in aanay dadku dooranin dowlad ay “Carabi ku jirto kuwaasoo doonaya inay na wada burburiyaan sidaan rag, haween iyo carruurba ku leennahay.”

Camaaliqada Baraha Bulshada ayaa sheegtay in hadalkaasi uu ka hor imanayo xeerka ka yaalla hadallada nacaybka ah, iyagoo xannibay muddo 24 saacadood ah.

RW Yuhuudda ayaa beeniyay inuu warkaa isagu bogga ku qoray, isagoo Kan Reshet Bet Radio la hadlayay, wuxuu Mr Netanyahu ku qiil samaystay inay arrintani ka timid khalad ka yimid shaqaalihiisa.

Ninkan xag-jirka ah ayaa u ololaynaya inuu kursigiisa sii haysto marka la gaaro todobaadka soo aaddan, iyadoo uu 69-jirkani adeegsanayo erayo nacayb ah si loo doorto, isagoo xitaa sheegay inuu Falastiin ka goosanayo Daanta Galbeed, gaar ahaan Dooxada Jordan.

Hadalsame Media

Facebook Comments