Sida ay LACAGTU u dishey TAYADA waxbarashada gaarka loo leeyahay ee Somalia

0

(Hadalsame) 12 Sebt 2019 – Waxaan dib u eegay imtixaanka galista ee Jaamacadda Ummadda oo shalay la soo dhajiyay. Waxaan si gaara u sii eegay ardayda dalabday in ay galaan kuliyadda caafimaadka.

Shanta maado ee Xisaab, Kimistari, Fiisigis, Baayologi iyo Ingiriisi; ayaa laga rabay qofki Caafimaadka raba in uu ku baaso. Wadarta tirada ardayda dalbaday Caafimaad waxay ahaanyeeh abbaaraha 375. Waxaa gudbay 103 arday waxaana dhacay ku dhowaad 272 arday, taas oo ka dhigan in ay gudbeen kaliya 27% ardaydii dalbaday Caafimaadka, halka 73% dii kale ay dheceen.

73% da dhacay waxay u badantahay in ay gali doonaan jaamacadaha lacagta u furan ee dalka hadii ay awoodaan, waxayna soo qaadaan doonaan warqado ay ku qorantahay in ay dhaqaatiir yihiin.

Hadii hadaba arintaan aan u qaadano in aan ku cabbirno (model) tirada dhaqaatiirta asal ahaan ku liitay maadooyinka Caafimaadka u ah lagama maarmaanka taas oo ka dhigan (ama ay u badantahay) in ay sidookale ku liiteen wax barashadoodii jaamacadda kuna liidan doonaan daaweynta iyo daryeelka bukaankooda, waxaa soo baxaysa in 100 kii arday ee ka qalin jabisa jaamacad gaar loo leeyahay dalka gudihiisana ku taal kuliyaddeeda Caafimaadka ay kaliya 27 ka mid ah u qalmaan in ay dhaqaatiir noqdaan, halka 73 da kale ay qatar ku yihiin bukaanka, wax ay daaweeyaan ama daryeelaan iskaba daaye.

Hadaba ma tahay in Wasaaradda waxbarashada iyo Caafimaadku ay arrintaan fiira gaar ah u yeeshaan waxna ka qabtaan?!

Inkasta oo mid kasta aysan wax waliba u dhamaystirnayn, hadana jaamacadaha dalka ee gaar ka loo leeyahay isku wada mid ma aha dhanka tayada balse waxa ay ka wada simanyihiin ku tiirsanaanta lacagta ardayga laga helo taas oo wax weyn u dhimaysa tayadooda wax barasho.

Si hadaba jaamacadaha wax xoogaa tayada roon aysan markasta ugu tiirsanaan lacagta ardayda laga qaado waa in ay xoog badan galiyaan cilmi baarista, taas oo lacag badan laga soo xarayn karo hadii sida ay tahay loo qabto.

Sidookale DFS waa in ay u raadiso jaamacadahaaa tayada roon maal-galin (grand funding), waan ogahay in aysan jirin hayado wadani ah oo cilmi baarisyada maal galiya dalka (Research Councils), balse waxaa loo weydiin karaa haydaha caalamiga ah ee bixiya maal galintaas, iyaguna way dalban karaan.

Mahadsanidiin.

Waxaa Qoray: Maxamed A Geeddi

Hadalsame Media

Facebook Comments