XADAARAD & WAAYEHEED: Ilbaxnimadii MAAYA ee burburtay

0

(Hadalsame) 12 Sebt 2019 – Ilbaxnimo waa xaddaarad iyo waayaheed. Duni kasta iyo bulshooyinka ku nooli waxa ay leeyihiin xaddaarad iyo ilbaxnimo u gaar ah oo ay ku tanaadeen. Ilbaxnimooyinkaasi qaarkood way tisqaadeen, qaarkoodna way burbureen oo baaba’een. Kuwaas tisqaaday badhkood waxa ka dhashay dawladaha iyo dalaka reer galbeedka ee maanta la odhan karo ilbaxnimo iyo haldoornimo waa loo daayay. Haddaba maanta waxa aynu is weyddiin doonaa ilbaxnimooy maxaad tahay? Ilbaxnimadu ma burburtaa? Ma jiraan ilbaxnimooyin burburay? Waa suaalahaas iyo qaar kale oo badan oo aynu qormada tan kaga jawaabi doono.

Inkasta oo ilbaxnimooyinkii dunida soo maray ee haddana galbaday ay badan yihiin, bal waxa aynu ku bilaabi doonaa ilbaxnimadii MAAYA la odhan jiray ee ka jiri jirtay dhulka giriigga.

Ilbaxnimadii Maya, waxyaabaha la odhan karo way burburiyeen waxa weeye xaalado cimilo

darro oo soo waajahday. Abaaro ba’an oo lagu riiqday ayaa ku dhuftay. Taas oo baabiisay dhul daaqsimoodkoodi iyo midhahoodiba. Abaarahaasi waxa ay dileen dad badan oo ku noolaa magaalooyinkoodi dadka badnaa. Ugu danbaynna biyhii iyo baadkii ayaa ka go’ay oo way nabaad guureen. Sidaasi waxa qoray Richardson Gill 2007-dii.

Sahamiyayaal faro badan oo reer galbeed ah ayaa baadhay dhulkii ay ku noolaayeen dadkani. Waxa ay la amakaageen sida farshaxanimada leh ee dadkani dhagaxaanta u qori jireen, kaddibna muuqaalo farsamaysan uga sameyn jireen.

Meelo tiro badan ayaa laga ga warramay ilbaxnimadii burburtay ee MAYA. Waxa kamid ahaa channel-ka taariikhda ka faallooda ee History Channel (Who killed Maya?) 2006. BBC’s ancient apocalypse: the Maya Collapse (2012-14). Buugga jared Diamond (How societies choose to fail or succeed. (2005)

Ilbaxnimadan oo keliyaata maaha kuwa burburay ee waxa sidoo kale jiray ilbaxnimooyin horreeyay sida: puebloans, harrapans-kii Indus valley, iyo Mesopotamiyadii hore. Dhammaantood ilbaxnimooyin kaas waxa la isku raacay in ay u burbureen sababo cimilo darro awgeed. (Climate change).

Dhibaatooyinkaas badan waxa ka mid ahaa dhulgariiryo tiro beelay, macaluul, masiibooyin iyo Sunaami.

Intaas kaddib, baadhitaano badan oo la sameeyay siiba baadhitaano ay sameeyeen culimada ku xeeldheer Arkiyoolojiga (raadadka ay ka tageen ummaddihii hore) waxa lagu oggaaday sida uu sheegay aqoonyahanka cilmiga Arkiyoolojiga Glen Schwartz (2006) in ay dawladdii burburtay oo ay u kala go’aday dawlado yar – yar, iyo magaalawgii uu ku yaraaday magaaladii, dawladdii dhexe oo meesha ka baxday, iyo dhaqaalihii oo gebi ahaanba burburay. Sida ay qabaan qaar ka mid ah qoraayada, waxa ay rummaysan yihiin in burburka ummadu ka bilaabmo burbur ku dhaca ummadda laftigeeda. Halka qaarna rummaysan yihiin in tirada dadka oo hoos u dhacdaa sababi karto burbur. Laakiin tani maaha sabab loo aanayn karo burbur.

Mar kale sida uu qeexay qoraaga Arnold Toynbee, oo ah qoraaga 12 Volume A study of

History (1934-61). Waxa uu sheegay mar uu ka warramayay burburkii ku yimid ilbaxnimadii Mycenaean-ka in haddii agab ka mid ah dhaqankoodi iyo ilbaxnimadoodi la ga dhaxlo, (Material and non material culture) lama odhan karo in ilbaxnimadaasi burburtay.

Magaalooyin badan oo Mayans-ku lahaayeen ayaa burburay sababo dirir iyaga dhex martay awgeed. Qabiiladii wada degganaa dhulkaas waa ay is xasuuqeen. Cancue’n iyo magaalooyinkii kaleba way burbureen.

Ugu danbaynna magaaladii waxa qabsaday boqorkii Spanish-ka 1697 CE. Gacantooda ayaana ay ku burburtay boqortooyadii MAYA.

Boqortooyadii Spanish-ka ayaa lugta marisay 1697 CE, dhammaan alaabtii iyo dhaxalkii

boqortooyadii MAYA.

Waxa ay gubeen boqollaal iyo boqollaal buug iyo matxaf oo ay lahaayeen dadkii reer MAAYA. Afar buug oo keliyaata ayaa ka hadhay dhiganayaashii yaalay matxafyada MAYA.

Dadkii reer MAAYA ee qaxay waxa ay imika dageen dhulwaynahay Maraykanka oo illaa haatan ay deggan yihiin.

W/Q: Sayid-Cabdirahman Cabdillahi

Hadalsame Media