”Anigaa xigtadaada ehe maxaad XILKA MASJIDKA iigu dhiibi wayday?!”

0

(Hadalsame) 12 Sebt 2019 – Wuxu yiri “Carrigaa Ingiriiska magaalo ku taal ayaan annagoo dhammaan iskaashaneyna Soomaalidii xafaddaas degganeyd dhisme ka iibsannay aan masjid ilaa boqol qof qaadaya ka dhigannay.

Maamulkiisa anaa hayey, furiddiisa xiriddiisa iyo hawlihiisa kaleba,
Socod baa i soo galay, dadkii ku xirnaa masjidka ayaan u sheegay in socod i soo galay aan dalkii ku gaarayo oo dhawr bilood maqnaanayo, xilkii aan hayeyna uu sii haynaayo hebel hebel. Cidina dood kama keenin.

Markaan soo baxay ayaa waxa iga daba yimi nin ka mid ahaa dadkii masjidka ku tukanayey. Wuxu yiri “Hebelow anigaa xigtadaada ahee maxaa xilka iigu dhiibi weyday?

‘Ma ogeyn inaad daneyneyso hawl iskaa wax u qabso ah oo Ilaahay dartii loo qabanayo oo aan bilgoosad lagu qaadan, ninkaasina waa kaa dadaal badan yahay’ ayaan iri. Wuxu yiri ‘Haddey saas tahay isagaa iga dadaal iyo kartiba badan!’

Waxaa Qoray: Maxamed Cabdullaahi Jaamac

Hadalsame Media