CASHAR SIYAASADEED: Akhri sida ay Somalia JEEBKA u gashatay Kenya (Arag labada saf)

0

(Hadalsame) 12 Sebt 2019 – Dowlada Kenya uu hogaamiyo President. Kenyatta, siyaasadiisa ku adanayd inuu la wareego dhulka Soomaaliya iyo khayraadkiisa asagoo is tusay In waqtiga adag ayku jirto Soomaaliya looga fa’ideeysto sidii bada qaniga iyo saliida oil badan ku jira tasoo lagu qiyaasay inay kor u dhaafeeysa 300 bilyan doolar ay ula wareegi lahayd Kenya, President Kenyatta wuxuu arintaas uu u xilsaaray gudi sare ee ka tirsan dowladiisa.

Gudigaad oo ayka mid ahaayeen, Madaxwayne ku xigeenka Kenya William Ruto, Wasiirirada Arimaha Dibada Monica Juma, xogayaha arimaha Dibada Amb. Kamau.

Dhanka Soomaaliya uu hogaaminayaan MW Mohamed Farmajo iyo PM. Xassan Khayre, Amb. Ahmed Isse Awad, waxay howl geliyeen Amb. Abuukar Baalle iyo Amb. Ali Faqi, tasoo Kenya damaceedi iyo siyaasad kastoo ay dejisay ka dhigay hal bacaad lagu lisay, oo loo qoray darsi siyaasadeed oo ay Kenya waligeed iloobi doonin. Tani waxay ka marqaati kaceeysaa team-ka Soomaaliya inay yihiin kuwa dhankastaa aqoon iyo waayo aragnimo siyaasadeed dheer gudiga Kenya, waayo waa rag waxku bartay dowladaha reer Galbeed oo runtii ka diyaarsan dhanka siyaasada aduunka maanta Jira tasoo wax wayn ka qaban karto bad’baadinta dalka Soomaaliya.

Soomaaliya dagaalkii sokeeye wuxuu u geestay Maskaxdii dalka oo haajirtay( brain drain), hadeeysan maanta team- kaan ahayn lahayn waxaa hubaal ah in hantidii dalka uu Qatar ku sugnaan lahaa.

Dib u dhiska dalka Soomaaliya marnaba loogama maarmo qurbo joogtada aqoonta sare leh maamulka oo fahansan sida ay u shaqeeyso maskaxdda anajabiga, waayo waxay la soo dhaqmeen oo la soo shaqeeyeen ajanabiga ugu awooda badan ee aduunka ha noqoto mid siyaasadeed ama dhaqaale.

Marka hore waxaa mahad celin mudan guud ahaan dowladda Soomaaliya uu hogaaninaayo MW Farmaajo iyo gudiga adag ee Soomaaliyeed oo ka hor tagay dabintii dalka Soomaaliya la doonaayay In loo dhigo.

Walaaha kale ee Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalalka waweyn waa inay ka fikiraan sideey qayb uga noqon lahaayeen dhismaha dalkooda oo aqoontooda ugu faa’ideeyaan dib u dhiska qaranka oo lagu daysado ragaan amaanta mudan.

Dalka Dadkiisa aqoonta leh sinaba ugama maarmi karo waqtigaan adag. Taas awgeed waa in loo diyaar garoobaa qayb ka noqoshaha dhismaha dalka Soomaaliya.

Wa bilaahi towfiiq.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media