Faysal C Waraabe oo afkiisa ku QIRAY inay Somaliland gashay go’doon siyaasadeed

0

(Hargaysa) 12 Sebt 2019 – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa soo hadal qaaday wada-hadallada mudada badan hakadka ku jira ee Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo saluugey dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Jabuuti.

Md Waraabe ayaa tusmeeyay in Somaliland sida uu yiri aysan marna ka qayb qaadanin wada hadalladaasi haddii ay ku lug yeeshaan Itoobiya, Eritrea iyo Jabuuti oo uu ku tilmaamay kuwo ku ”milmay dowladda Xamar.”

“Soomaaliya iyo Somaliland wada-hadaladeeda waxaannu ka sameynay go’aamo is-afgarad, waxayna odhanayaan go’aamadaasi wada-hadalka waanu ogol nahay, hase ahaate waxaanu dooneyna madal caalami ah oo dad noo kala qabta” ayuu yiri Faysal.

“Waxaynu ka joojinay oo aan soo galeyn wada-hadaladaas wadamada Bariga Afrika, Jabuuti waxanu nidhi ku marti gelin mayno, Itoobiya waxaynu nidhi ku marti gelin mayno kamana soo qeyb-galeysid, Eratareya kama soo qeyb-galeysid, maadama ay dano gaar ah ay leeyihiin, iyaguna Xamar bey ku milmeen, markaa ma waxaynu ka sugeynaa dhex-dhexaadnimo”. ayuu is waydiiyay.

Maamulka Somaliland ayaa muddo dheer sheegi jirey inuu xiriir wanaagsan la leeyahay dalalka Geeska, gaar ahaan Itoobiya, waloow aysan Itoobiya marna wax aqoonsi ah u fidin Somaliland oo sheegata inay 1991-kii ka go’day Somalia.

Hadalsame Media