DHEGEYSO: ”Waa ku goowracayaa!!” – Nin askari ah oo ay wax ka SHUKAANSAN la’dahay naag ay kala tageen + Warar kale

0

(Hadalsame) 12 Sebt 2019 – Tira koob cusub oo ay saaka soo saartay hayadda suuqa shaqada ayay ka muuqataa in bishii labaad ay kor u kacday shaqa la’aantu. Waana markii ugu horreeysay in muddo ah oo shaqa la’aanta haweenka asal ahaan ajnabiga ihi ka badatay midda ragga.

Bishoo Agoosto, ilaa 350,000 ayaa shaqa la’aan noqday taasoo ka dhigan inay shaqo beeleen 8 kun oo qof oo dheeraad ah marka loo eego bishii kasii horreeysey. Jonas Frycklund, waa guddoomiye xigeen hay’addka Rugta Ganacsiga Sweden.

”Waxaa Sweden ka taagan shaqo la’aan celcelis ahaan ka badan midda dalalka Midowga Yurub, waana xaalad ay tahay inay dowladdu u wajahdo si dhab ah,’’ ayuu yiri.

…………………………………………………………………………………………………………..

Askari ka mid ah Booliiska gobolka Skåneland ayaa lagu soo eedeeyay inuu hanjabaado sharci darro ah u diray xaaskiisii hore. Ninkan ayaa haweenaydan ay kala tageen ugu gooddiyey in uu “goowrici doono” haddii buu yiri ay carruurtiisa wax gaarsiiyaan saaxiibada ragga ah ee ay la kulmayso.

Sarkaalkan ayaa xitaa haddii dembiga lagu helo sii wadanaya shaqadiisa Booliisnimo isagoo aan wajihi doonin tillaabo anshax marin ah sida uu qorayo Kvällsposten, waana go’aan ay qaateen Guddiga Shaqaaluhu. Ninkan ayaa qirsan inay dheceen waxyaabaha la sheegayo, balse wuxuu dafirsan yahay inuu dembi galay.

…………………………………………………………………………………………………………..

Xisbiga Miljöpartiet ayaa ka qaaday kaalintii koowaad xisbiga Sverigedemokraterna marka ay timaado siyaasiyiinta heerarka degmo iyo gobol ee siyaasadda uga fariista asbaabo kala duwan, Iyadoo doorashadii samadkii tegey kadib ay siyaasiyiintoodu 9% iska casileen howlihii siyaasadeed ee degmooyinka, sida tira koob lagu sheegay.

Cabdiqani Maxamed, ayaa horay uga tirsanaa xisbiga Socialdemokratern, kana mid ah siyaasiyiinta iskaga fariistay shaqadii xisbiga ayaa noo sheegay in go’aamaada noocan ihi aaney aheyn kuwo soo booddo isaga la ah.

Hadalsame Media