Dil nooc cusub ah oo goor dhowayd Muqdisho ka dhacay

0

(Muqdisho) 12 Sebt 2019 – Degmada Xamar weyne waxaa ka Dhacay Caawa Dil ka markii Wiil uu Garaacay Walaashii iyadoo intuu garaacayey Waxaa damcay in uu ka celiyo Wiil ay Wada Socdeen Gabadha oo Markaa wada Fadhiyeen oo ka mid ah dadka la Hayb Sooco ka dib maxaa Dhacay

Wiilkii Gabadha Walaashii Garaacayey ayaa Waxaa uu la soo baxay Maqas ka dibna Caloosha ayuu ka geliyey Wiilkii Walaashii Shukaansanayey intii la soo wadey isbitaalka ayuu geeriyoodey Wiilkii

Booliiska ayaa ku raad jooga wiilkaas iyadoo Mayd Wiilka uu hadda yaalo Isbitaalka Kulan ee Degmada Waaberi halkaas oo ay isugu soo baxeen Dad badan, sida uu sheegay Amiin Y Khasaaro oo goobjoog ahaa.

Arrimaha noocan ah ayaa kusoo noqnoqda bulshada iyadoo loo baahan yahay in wax laga qabto, gaar ahaan hay’aadka DF.

Hadalsame Media