DHEGEYSO: Sweden oo dad boqollaal kun gaaraya ku kari la’ inay soo dalbadaan LACAGO loogu tala galay!

0

(Stockholm) 12 Sebt 2019 – Boqollaal kun oo qof oo ah dadka uu dakhligoodu yar yahay ee xaqa u leh in laga kabo kharashka kirada guryaha ayaan dalbanin lacagahaasi, iyagoo sidaa bil kasta ku lumiya 1300 oo karoon.

Dadka lacagahaa lumiya ayaa tiro ahaan gaaraya 170,000 oo qof, sida ku cad sahan ay samaysay waaxda Hanti Dhowrka Qaranka ee Riksrevisionen oo ah hay’ad hoos tagta Baarlamanka oo dabagal maaliyadeed ku sameeysa adeegyada ay qabato dowladda dhexe ee Sweden iyo lacagaha ku baxa.

Waxay dadkani iskugu jiraan dadka howlgalgabey ama beenshinka, dad buka iyo kuwa cuuryaanka ah, kuwaasoo xaq u leh lacagtan, balse sababo jira awgood aan raadsanin ama dalbanin. Tina Malmberg, waa hoggaanka mashruuca sameeyay dib u eegistan.

”Waxaa dhici karta inaysan ogayn ama fahamsanayn jiritaanka deeqdan dhaqaale, in aysan rabin inay dalbadaan xishood dartii, waxaa sidoo kale dhacda inaan qofku awood u lahayn inuu isku xiro aasaasiyaad ku filan, maadaama uu geeddi socodkani yahay mid dhib badan, waayo waxaa la iska rabaa warqado badan oo ay tahay in la soo gudbiyo,” ayay tiri.

Sanaddii 2016-kii, waxay dowladda Sweden kabka kirada guryaha u qoondaysay miisaaniyad dhamayd 12.7 bilyan oo karoon, taasoo keeni lahayd in loo baahdo 3 bilyan oo karoon oo dheeraad ah, haddii qof walba oo xaq u leh uu dalban lahaa. Taasi waxay ka dhigan tahay in celcelis ahaan uu qofkiiba  qaadan lahaa 1,300 oo karoon bishii.

Dumarka ay lacagahani dhaafaan ayaa laba jeer ka badan ragga, sida ku cad sahankan aay’adda Hanti Dhowrka Qaranka.

Hadalsame Media