DEG DEG: Shabakad dhan oo CARRUURTA ka ganacsata oo Muqdisho lagu qabtay (Imisa qof?)

0

(Muqdisho) 12 Sebt 2019 – Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa haatan ku dhawaaqay inay qabteen shabakad ay muddo dabagal ku wadeen oo ku howllanayd ka ganacsiga carruurta.

”Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata caruurta taasoo la daba joogay muddo hal bil waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysaniyaal oo 8 ay yihiin haween.” ayuu u dhignaa war rasmi ah oo kasoo baxay Booliiska.

”Sidoo kale waxeey ciidanka soo badbaadiyeen 11 caruur da’dooda u dhaxeeysa 12 sano jir illa 7 bil jir kuwaas oo ah beec-sugiyaal oo hada ay xanaaneenayaan ciidanka boliiska intii laga baadigoobaya waalidiintooda.” ayay raaciyeen Ciidanka Booliisku.

Wixii dheeraad ah nagala soco haddii ALLE idmo…

Hadalsame Media

Facebook Comments