ARAGTIDA: Seddax KHALAD oo sabab u noqday guuldarradii shalay!

0

(Hadalsame) 11 Sebt 2019 – Ciyaartii galabta iyo waxyaabihii aan u arkay inay na saameeyeen. Marka hore Xulka Qaranka Soomaaliyeed mahadsanidiin dadaal weynbaad sameyseen lkn nasiibka idiin diiday inaad soo gudibtaan.

Intaas ka dib waxaa jiray qaladaad dhowr ah oo aan dhihi karay in laga badiyo ayay sahleen, kow fudeyd ayaa jiray dhanka ciyaartoyda ka dhacay oo daqiiqadihii dambe ka dhacay waayo ciyaarta waxaa wiilashu shabaqa ilaashadeen 77 daqiiqo markii ciyaartu 1-1 ahayd 84 daqiiqo Zimbabwe waxaa laga rabay 2 gool inay la timaado macquul kama ahayn ciyaartii qaybihii hore aan daawanay lkn Sorry weerar ayaan aadnay halkii natiijada aan difaaca lahayn.

Qodobka 2-aad Macallinka xulka Somalia waxaa uu sameeyay badal aan Ku habooneyn xilligaas oo dadka Sports ka daawadaa ay dareemayeen in badalkaasi dhib weyn nagu keenay waa badalkii lambarka 3-aad dabcan kuma fogaanayo.

Qodobka 3-aad Garsooraha ciyaarta dhaleeceyn badnbaa loo jeediyay waxaa jiray qaladaad badan oo Zimbabwe sameysay oo uusan waxba ka soo qaadin halka Qarankeena uu Ku raadinayay qaladaad isla markaa waxaa loo arki karay garsoore dhinac u raran. Inahaas ayaan ka calaamadiyay ciyaartii galabta. Si kastaba Somalia horukac u baahan in halkaa laga hayo ayay samaysay xitaa haddii ay hartay.

Adiga maxaa kaaga baxay?

Waxaa Qoray: Axmed Cali Kaahiye

Hadalsame Media