Ciyaartii shalay waxay dib u kicisay DAREENKII Soomaalinnimada (Sir wayn oo kasoo baxday)

0

(Hadalsame) 11 Sebt 2019 – Ciyaartii galabta sir weyn baa aniga iiga baxday, waxaa ii cadaatay magaca (Soomaali) inuu hal nin ahaa, waxaa kaloo ii cadaatay inuu jiro dareen ay waxba ka bedeli kari waayeen Caalamka Gaalo iyo Islaam inagu soo duuley ee aan kii Islaamka ahaa Islaamnimo inoogu naxariisan oo kii Gaalka ahaana wax Baniaadamnimo layidhaahdo inagaga xishoon; Dareenkaas oo ah (Damqasho dubka iyo qalbiga ah) taasoo meesha ka saartay magacyadii cusbaa ee Qabiiladeena (Laan Laan).

Sawirka shacabka galabta iiga baxay wuxuu sida Baalasha Boqorka Malaa’igta Malakul Jibriil oo kale uu u qariyey dhawrkii Boqol ee qof oo Siyaasiyiinta garab-raratada u badnaa ee kusoo macaashayey mudada badan kala gaynta shacabka Soomaaliyeed iyo dabadhilifnimada Cadaawaha.

Waxaa galabta ii cadaatay waxa dunida oo dhan Soomaaliya isugu haysataa ee u suurtagelin waayey doonistooda inuu yahay Dareenka Mucjisada leh ee galabta tirtiray wax kastoo kaleba, xaqiiqatan magac bixin kale waan u waayey oo aan ahayn (Soomaali nin buu ahaa).

Waxaan ku faraxsanahay oo mahadinayaa Allaha Soomaali iga dhigay.

Waxaa Qoray: Cabdirisaaq Terra

Hadalsame Media

Facebook Comments