Safaaradda Maraykanka ee Kabul oo MADFAC lala helay + Sawirro

0

(Kabul) 11 Sebt 2019 – Waxaa madfac lagu duqeeyay Safaaradda Maraykanka ee magaalada Kabul, Afghanistan, daqiiqado uun kaddib xuska sanad guuradii 17-aad ee weerarradii 9/11 Maraykanka lagu qaaday.

Saraakiisha Safaaradda ayaa saacad kaddib sheegay inay wax kasta caadi yihiin oo aanay jirin cid ku dhaawacantay weerarkaasi, waloow magaalada Kabul laga arkay uuro madoow oo kasoo butaacaysa dhismaha Safaaradda.

Waxaan sidoo kale weerarkan ka hadal dowladda Afghanstan, iyadoo aan sidoo kale wax dhib ah laga soo sheegin xarun ay NATO ku leedahay meel u dhow Safaaradda.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee ka dhaca caasimadda Afghanstan tan iyo markii uu MW Maraykanka ee Donald Trump uu Twitter ka sheegay inuu burburay heshiis lagu wadey inuu dhexmaro Maraykanka iyo Daalibaan oo wada wax lagu sheegay dagaalkii ugu daba dheeraa ee uu Maraykanku ku lug yeesho.

Hadalsame Media