ISKA JIR! Nin maxkamad lagu soo taagayo muuqaal QOOR-GOOYSMO ah oo uu faafiyay (Dhegeyso)

0
Seeing viral videos of race-based violence may cause depressive and PTSD symptoms in adolescents of color, according to a USC study. (Photo/iStock)

(Stockholm) 11 Sebt 2019 – Nin la sheegay inuu barta Facebook ku faafiyay gabal muuqaal  dacaayadeed ah oo muujinaya dad ay qoor gooynayso kooxda xag-jirka ah ee Daacish, ayaa maxkamad lagu soo taagayaa faafinta muuqaallo cunfi ah. Hadde waa faafinta oo qura.

Sida uu qirsan yahay Henrik Olin, oo ah dacwad ooge ka tirsan Hay’adda Amaanka Qaranka, waa markii ugu horreeysey ee abid ee sharcigan loo adeegsado faafinta dacaayadda la xiriirta falalka argagixisada.

”Waxay dacwaddani ku saabsan tahay qof boggiisa Facebook soo dhigay muuqaal soconaya 7 daqiiqadood oo muujinaya askar ka tirsan ciidanka daacadda u ah dawladda Suuriya oo qoorta laga jareyo, waa muuqaal ay leedahay kooxda ISIS,” ayuu yiri Henrik Olin.

Xeerka ku saabsan mamnuucitaanka in la baahiyo muuqaal kasta oo ay ka muuqato gacan ka hadal qof loo gaysanayo ama fal khasab ah waxaa la dejiyay sannadkii 1980-kii, waxaase awal loo adeegsan jirey muuqaallada meel ka dhacyada jinsiga ah sida kufsiga dhallaanka lagula kaco. Sida uu sheegayo Dacwad ooge Henrik Olin, waxay muddo ka fikirayeen in sharcigan loo adeegsan karo faafinta dayaacaadka dembiyada argagixisada, iyadoo ay kiiskan u arkeen midkii 1-aad ee ku habboon.

”Waxaannu muddo ka wada hadlaynay sida sharcigan loogu dabiqi karo muuqaallada ay dacaayadda ku samaysanayso kooxda ISIS iyo faafinta aflaamtooda, annagoo halkaa joogna ayaa waxaa is keenay kiiskan oo ah mid ku habboon sida aan qabo, kaasoo wata duruufihii keeni karayay in maxkamad la hor keeno,” ayuu raaciyay.

Ninka dacwaysan ayaa qirsan inuu filimkan faafiyay, balse wuxuu inkirsan yahay inuu taa dembi ku galay, maadaama sida uu sheegay aanu ogsooneeyn inay dambi tahay qaybinta aflaanta noocani ah, tiiyoo qofkii dembi noocan ihi ku cadaado uu xaq u leeyahay xukun u dhexeeya ganaax lacageed ilaa 2 sano oo xabsi ah, iyadoo sida uu qabo Dacwad ooge Henrik Olin, uu ninkani istaahilo in la xabbiso marka sharciga la eego.

Hadalsame Media