DAAWO: Halkee marayaa dhismaha jidka Muqdisho-Afgooye (Muuqaal cusub)

0

(Muqdisho) 11 Sebt 2019 – Waxaa meel wanaagsan maraya dhismaha jidka isku xira Muqdisho-Afgooye, kaasoo dhowaanahanba halkaa ka soconayay.

Waxaa is dhaaf dhaafaya gaadiidka qallaabiga ee iska rogaha loo yaqaanno, cagafyada iyo wiishashka ku howladdan dhismaha, qodista dhulka, qaadista iyo keenista carrada loo baahan yahay iyo midda meesha laga saarayo, iyadoo la doonayo in la dhiso jid laami ah oo casri ah oo laba saf oo cagsi ah leh oo uu midkiiba laba ka kooban yahay (two way street with two lanes each).

Waxaa la arkayaa gaadiidka Birta Culus oo jidka dhex ordaya iyadoo ay howsha wadaan injinneerrada dhismaha iyo Geometry-ga oo iskugu jira Soomaali iyo Turki, kuwaasoo cabbiraya tillaabo kasta oo la qaadayo, waxaa dheer ciidamada cusub ee Booliiska ah ee uu Turkigu diyaariyay ee goobta la geeyay, sida aannu goobta kusoo aragnay.

Waxaa haatan la simay carra kaawadii lagu shubay jidka iyadoo la bilaabayo in qaybtaa diyaarsan laamiga la saaro si qayba mar loo dhamaystiro.

Hoos ka daawo muuqaal uu kasoo duubay weriye Maxamed Firxad.

Hadalsame Media