DHEGEYSO: Bariis noocyo cusub ah oo 50 sano kaddib lagu beeray JOWHAR + Sawirro (7 Nooc oo la tijaabiyay)

0

(Hadalsame) 11 Sebt 2019 – Magaalada Jowhar, waxaa marki ugu horreysay muddo 50 sano ah kaddib lagu guuleystay, tijaabada nuucyo cusub oo bariiska laga beerto Koofur Bari Aasiya ah.

Abuurka bariiskaan oo ah 7 nuuc ka kooban, ayaa hadda diyaar u ah beeraleyda bariiska ee gobolka Shabeellaha Dhexe si ay u tacbaan.

Arrintan ayaa gacan ka gaysanaysa kobcinta quudka maxalliga ah ee dalka si marka hore loo daboolo baahida gudaha kaddibna looga fikiro in dibedaha loo dhoofiyo marka ay dhashaan duruufaha keeni kara in taa lagu tillaabsado.

Waxaa warbixin arrintaasi ku saabsan faahfaahinaya Nuur Xasan Nuur.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media

Facebook Comments