Faafinta Shiicannimada oo si firfircoon uga socota Somalia (Arag caddayntan)

0

(Muqdisho) 10 Sebt 2019 – Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Dowladda Iiraan oo ay ku eedaysay inay mad’habta Shiiciga ku faafinayeen dalka, waloow xilligaa ay sidoo kale meesha ku jirtey cadaadis ka yimid dhanka Sucuudiga oo ay Iiraan gobolka ku xafiiltamaan.

Yeelkeede, hadda ayaa waxaa soo baxday in ay dalka Somalia si baahsan uga socoto howlo lagu faafinayo Shiicannimada iyadoo laga faa’iidaysanayo dalka oo aan lahayn tixraac iyo koontorool sugan oo ay dheer tahay baahi badan oo dalka ka jirta.

Waxaan helnay warqad muujinaysa qof caan ah oo ku lug leh howlahaasi waloow aynaan doonayn inaan magaciisa muujinno, misna waxay arrintani ka tarjumaysaa heerka ay gaarsiisan tahay howshani.

Waxaa qoraalka ka muuqda inay arrintan maalgelinayso dowladda Iiraan oo Shiicannimada u adeegsata daneheeda qaran (national interest), taasoo aad uga fog howl diin iwm.

Qolyaha Shiicada ah ayaa isku xayaysiiya inay ka fiican yihiin kuwa xambaarsan afkaaraha xag-jirka ah ee isku qarxinaya, dilaya, dhacaya, handadaya shacabka Muslimiinta ah, tiiyoo ay sheeganayaan inay yihiin Muslimiin Sunni ah, waana arrin ka dhaadhacaysa dad badan oo aan aqoon wanaagsan u lahayn Shiicada oo ah caqiido aad u cayn wareegsan oo halis ah, asal ahaanna aanba shuqulba ku lahayn mad’habnimada ay markii dambe sheegteen.

Hadalsame Media