Somalia waataa iyadoo FASHILAN oo faqri ah ka lulanaysaa fiiqa fog ee Afrika (Yaa ka mas’uul ah?!)

0

(Hadalsame) 10 Sebt 2019 – 28 sanadood ayaa laga joogaa markii ay dhacday Dowladdii caskariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre, taasi waa laga soo gudbay wixii dhacayna dib ugu laaban mayno waxaana 30 sano ku dhowaad weli Ummadda Soomaaliyeed ay la daalaa dhacayaan inay helaan nabad iyo kala dambeyn.

Sidii la filayayna waloow la tuuray xukun kali talis ahaa oo nidaamka dowladnimo ku takri falay, umaddiina iska hor keenay, misna naqii iyo berrigii baadka iyo biyaha badnaa oo dadka loogu baaqayay haddii ciidankii baxay beesha laguma furin, waxaana bedeley ba’ iyo hoog aan qofna looga sheekaynin, iyadoo ay dad badani 2 sano kaddibna ku hinraageen in ugu yaraan ay Somalia dowlad lahayd.

Allaha u naxariistee Abshir Bacadle ayaa yiri ”Alloow yaa inoo diga, markaan duqa ku yaacaynay!”

Haddaba waqti xaadirkaan aynu joogno, Somalia oo weli ka lulata fiiqa fog ee qaaradda farsamada ka faqriyoowdey ee Afrika, yay ka degi la’dahay oo dhibaato weyn ku haya:⤵️
1️⃣ Ma siyaasiyiga danaystaha ah?
2️⃣ Ma oday dhaqameedka siyaasiyoobey?
3️⃣ Ma dhallinyaro isku sheeg wax uu dhunxiyo raadinaya?
4️⃣ Ma ganacsato goowracato ah oo danteeda uun gadaysa?
5️⃣ ma ururro diimeedyada Allahood marqaati been ah u qabsanaya?
6️⃣ Ma dhaqaatiirta dhimriskii laga siibey?
7️⃣ Intaba ma ahan haddaad qabto, WAAYO?

Waxaa Qoray: Yaxye Y Khasaaro & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media