HORDHAC: Wax kasta oo aad uga baahan tahay ciyaarta galabta ee Zimbabwe-Somalia + Sawirro

0

(Harare) 10 Sebt 2019 – Xulka Soomaaliya ayaa wajahaya galabta dhigooda Zimbabwe lugta labaad ee isreeb-reebka koobka Adduunka 2022 wadamada Afrika iyadoo la ogyahay iney kulankii lugta hore gaareen guul la taaban karo taasoo aheyd middii ugu horreysay ebid looga diiwaangaliyo marxaladaas.

Soomaaliya waxey dhibaato ku qabtaa inuusan u ciyaari doonin Cali Maxamed oo ah xiddig laga keenay dalka Mareykanka kaas oo dhaawac kaga baxay kulankii lugta hore, waxaana la filayaa inuu booskaas buuxiyo Abel Gigle oo ah xiddig ka yimid dalka talyaaniga marna usoo ciyaaray kooxda Parma.

Ciyaartooyda Soomaalida intooda kale waa kuwa bad qaba, mana jiraan dhibaato laga soo sheegayo, kaliya waxaa la sugayaa xulshada macalinka reer Ghana – Bashir Hayford kaas oo lagu amaanay hanaanka uu xulka u maamulo tan iyo markii loo magacaabay sanadkaan.

Axmed Ali oo ah kabtanka qaranka kana ciyaara dalka Qatar ayaa ku taamaya inuu xulka guul ku hogaamiyo isla markaana usoo saaro marxaladda labaad ee isreeb-reebka taasoo noqon doonta taariikh aan waligeed dhicin. Dhinaca kale Zimbabwe waxey fadhiga kasoo kiciyeen saddex ciyaartoy oo horay looga ganaaxay qaranka kuwaas oo lagu eedeeyay iney ku lug lahaayeen kacdoonkii ciyaartoyda qaranka ka hor bilowgii koobka qaramada Afrika ee bartamahii sanadkaan lagu soo dhameeyay Egypt.

Khama Billiat, Ovidy Karuru iyo Ian Nekati ayaana kasoo muuqan kara kulanka halka Hadebe oo ah xiddig ka tirsan koox ka dhisan Turkey uu isna safan karo, walow kulankii hore uu kursiga keydka ku dhameystay maadaama uu dhaawac ahaa. Anwar Shakunda oo ah dhaliyaha goolka qura ee xulka qaranka uu kaga badiyay Zimbabwe ayaa laga yaabaa inuu mar kale kursiga keydka kusoo bilowdo, tababare Bashir Hayford ayaana loo maleynayaa inuu badali xeeladda kulankaan maadaama ay heystan fursad ka badan dhigooda.

Sheekada ugu quruxda badan ee kulankaan waxey tahay in taageerayaal Soomaaliyeed ay safreen masaafo aad u dheer si ay u daawadaan kulanka galabta ka dhici doona National Sports Stadium ee ku yaala Harare.

In ku dhaw boqol taageerayaal ah ayaa ka safray wadanka Koonfur Afrika kuwas oo fududeynta dal ku galka Zimbabwe ay ka caawisay jaaliyadda Soomaalida ee wadankas oo gacan ka heleysa safaaradda Zimbabwe ee ku taala South Afrika.

Sidoo kale jaaliyadda Soomaalida ee Zimbabwe ayaa si fiican uga shaqeysay martisoorka xiddigaha qaranka kuwaas oo la filayo iney caawa xitaa hoydaan Harare. Kulanka waxaa la daawan doonaa sida ku qoran jadwalka 4:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika, waxaana la rajeynayaa in laga daawado barta youtube-ka xiriirka FIFA.

Waxaa Isku Duwey: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

Hadalsame Media