DHEGEYSO: Soomaalida Sweden oo DHAQAN ay lahayd iminka kasii tegeysa + warar kale

0

(Stockholm) 09 Sebt 2019 – Booliiska ayaa iminka xaqiijiyay in toogashadii xalay ka dhacday xaafadda Nacka ay isku bartilmaameed ahaayeen haweenaydii dhowaantan lagu toogtey xaafadda Råcksta.

Booliiska ayaa ku howlannaa baaritaan ay ku hayeen laba toogasho oo xalay ka dhacday Degmada Nacka iyadoo ay arrintaa ka hadashay Carolina Paasikivi oo ah madaxa Booliiska qaybta koonfurta Stockholm, iyadoo sheegtay inay rumaysan tahay inuu jiro xiriir rasmi ah.

……………………………………………………

Hay’adda Kastamada Sweden ee Tullverket ayaa helaysa miisaaniyad dheeraad ah oo gaaraysa 110 milyan oo karoon, wixii ka bilowda sanadkan. 40 milyan oo karoon oo lacagtaa ka tirsani waxay ka dhalanaysaa wada xaajoodka dhanka miisaaniyadda ee u dhexeeya dowladda iyo xisbiga Liberalerna.

Sida ay sheegtay Hoggaanka Liberalerna Nyamko Sabuni oo u warrantay SVT Nyheter, ujeedka Kastamada miisaaniyadda loogu kordhinayo ayaa salka ku haysa dhanka amaanka si loo xoojiyo koontaroollada laga soo galo xuduudaha Sweden taasoo lagu baajinayo hubka iyo bambaanooyinka soo gelaya ee kaddib halista gelinaya amaanka maxalliga ah ee Sweden isla markaana lagaga hortago in dadka la dilo.

………………………………………………………

Axmed Cabdulqaadir oo ku magac dheer ”Cagmadhige”, oo ka tirsan Golaha Xidhibaannada Deegaanka magaalada Borlänge u matala xisbiga Miljöpartiet ayaa sidoo kale ka mid ahaa Soomaalidii ugu horreeysay ee degta magaalada Borlänge sannadkii 1996-kii.

Axmed Cabdulqaadir oo wareeysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee Raadiyaha Sweden ayaa sheegay in Soomaalidii tirada yarayd ee xilligaa joogtay ay ahaayeen dad aad isu jecel iskana war qaba.

 

Hadalsame Media