DAAWO: DF Somalia oo ka hadashay wararka sheegaya in ay Shabaab hakiyeen dhismihii Stadio Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 09 Sebt 2019 – DF Somalia ayaa beenisey warar maalmahanba ay saxaafadda maxalliga ihi tebinaysay kaasoo sheegayay in ay kooxda Shabaab hakiyeen dhismo iyo dayactir ka soconayay tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho.

Waxaa goor dhowayd halkaa tegey Raysal Wasaare xigeenka DF Somalia, Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada, Wasiirka Warfaafinta iyo Guddoonka Gobolka Banaadir, kuwaasoo iskaga marag kacay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in khasab lagu joojiyay dhismihii halkaa ka soconayay.

DF Somalia ayaa marar badan lagu eedeeyaa inaysan la iman far-curinno dhanka amaanka ah si ay guud ahaanba u xaqiijiso amaanka iyo xukunka dalka, iyadoo qaadda tillaabooyin fal-celin uun ku siman oo iyaguna muddo kaddib iska hakada.

Waxaa haatan hakad galay howlgallo ay Ciidamada Xooggu ka wadeen Shabeellooyinka kaddib markii la bedeley Taliyihii hoggaaminayay ee Jen. Odawaa oo loo dallacsiiyay Abaanduulka Guud ee Ciidamada Xoogga.

Hadalsame Media