Zimbabwe oo isu habar wacatay (Xiddigo cusub oo loo yeerey)

0

(Harare) 09 Sebt 2019 – Khama Billiat, Ovidy Karuru iyo Ian Nekati ayaa lagu soo daray qaranka Zimbabwe ee berito la ciyaari doona geesiyaasha guusha soo gaaray ee Somalia.

Ovidy Karuru waa 30-jir khadka dhexe ka ciyaara, 38-ciyaarood ayuu u saftay qarankiisa 7-jeer ayuna shabaqa gaaray.

Ian Nekati waa 30-jir daafac ah. Khama Billiat waa 29-jir garabka ka ciyaara, 39-kulan ayuu 14-gool ugu dhaliyay qaranka.

Tani waxey muujineysaa sida aan kalsoonida loogu qabin safkii hore, waxaan rajeynaa iney xamilaan ciyaartoyda Soomaalida culeys walba 90-ka daqiiqo.

Waxaa Diyaariyay: Cabdirashiid Maxamuud

Hadalsame Media