”War Ingiriiskana GARAACA!” – Arag jawaabaha uu caalamku ka bixiyay guushii Somalia & talo lasoo jeediyay

0

(Jabuuti) 07 Sebt 2019 – Waxaa Khamiistii dhacday ciyaar ay xitaa FIFA ku tilmaantay mid ”taariikhi” ah, kaddib markii ay Somalia ka adkaatay xulka Zimbabwe oo ka mid ah xulalka heer dhexaadka ah ee qaaradda Afrika, kaasoo xitaa ka qayb qaatay dufcaddii ugu dambaysey ee Koobka Qaramada Afrika 2019 ee xagaagan lagu dhigay Masar.

Ciyaartan oo ah lugta 1-aad ee isreeb-horaadka Koobka Adduunka 2022 lagu qabanayo dalka Qadar ayay Somalia ku badisay 1-0 waloow ay goolal kalena iska cuntay.

Lugta 2-aad ayaa ka dhacaysa dalka Zimbabwe iyadoo cayaarta oo berri ah Somalia iyo Zimbabwe ku dhex mari-lahayd garoonka Babaourfields ee magaalada Bulawayo loo wareejiyay Garoonka Ciyaaraha Qaran ee ku yaalla caasimadda Harare.

Yeelkeede, waxay dunidu la qaacaysaa qaadan waa iyo rajo ka kala imanaysa Soomaalida iyo xitaa dad aan Soomaali ahayn, hoos ka eeg jawaabaha daawatada kubadda cagta, waxaana ku jira talooyin sida in MAGACYADA laacibiinta lagu qoro funaanaddooda.

Hadalsame Media